U bood dhigaalka

Doorashada Somaliland: Korjoogayaasha Caalamiga Ah Oo Loo Kala Diray Gobollada Somaliland

Sheeko:Dalka

Korjoogayaasha  caalamiga ah ee kormeeri doonna habsami u socodka doorashada Somaliland ka dhici doonta 13ka bishan November ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Hargeysa waxaa ay ku sheegeen in dhammaan 60 goobjooge oo kormeeri doonna doorashada ay soo gaadheen magaalada Hargeysa iyadoo gobollada dalka loo kala diri doonno lixdanka goobjooge ee caalamiga ah oo ka kala socda ku dhawaad 27 dal.

Goobjoogayaashan oo ay maalgalinayso dawladda ingiriiska ayaa waxay sheegeen in Somaliland ay tahay dalkii ugu horreeyay la isticmaalo nidaamka casriga ah ee aqoonsiga faraha iyo indhaha, kooxdan waxaa  hoggaaminaysa qaybta qorshaynta horumarinta ee jaamacadda UCL iyo ururka Somaliland Focus UK.

War Saxaafadeed ay qabteen waxaa ay xuseen in ay dalka ka dhoofi doonnaan 16 bishan November hase ahaatee waxa dalka kusii hadhi doonna koox tiradoodu kooban tahay oo ay sheegeen in ay goobjoog ka ahaan doonnaa wakhtiga doorashada kaddib oo ay kamid tahay xilliga ku dhawaaqista natiijada doorashada.

Dr. Michael Walls oo ka tuirsan qaybta horumarinta ee jaamacadda UCL ahna madaxa goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa yidhi “ U diyaar garowga hawshani waxaa ay ahayd mid adag, waxa aa nu ku niyad sannahay taageerada aan la qiyaasi Karin ee aanu ka helnay daneeyayaal badan oo Somaliland ah  iyo dawladda ingiriiska oo hawshan iyadu maalgalisay. Inaga oo imika arkayna shaqadii adkayd  midhaheedii waxa aanu rajaynynaa in aanu arki doonno doorashada oo ku dhacda si nabad-galyo iyo ruux sarraysa ah taas oo noqon doonta tallaabo kale oo horay loogu qaaday horumarka dimuqraadiyadda Somaliland”.

Waxaa loo kala diray lixda gobo lee Somaliland ayaa waxay soo saari doonnaan warbixintooda ugu dambeysa horaanta sanadka soo socda ee 2018ka.

Waa markii afraad ee goobjoogayaasha caalamiga ahi ay kormeeraan doorashooyinka Somaliland kana warbixinayaan laga soo bilaabo doorashadii baarlamaanka ee sanadkii 2005tii.

 

Goobjoog News Iyo Wararka ku saabsan doorashada Somaliland:

Saciid Cali Muuse Oo Goobjoog Uga Warramay Qaban-qaabada, Cod-bixinta, Kor-joogayaasha Iyo Guud Ahaan Doorashada Somaliland

Doorashada Somaliland: Wax Ka Baro Murashaxiinta, Cod-bixiyeyaasha Iyo Korjoogayaasha

Somaliland Oo La Xayiri-doono Social Media 13-ka Bisha Wixii Ka Dambeeya Iyo Garyaqaan Sharci-darro Ku Tilmaamay

IMG_1687IMG_1672IMG_1673

 

Doorashada Somaliland, kala soco, Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada