U bood dhigaalka

Doorashada Somaliland: Somaliland Oo La Xayiri-doono Social Media 13-ka Bisha Wixii Ka Dambeeya Iyo Garyaqaan Sharci-darro Ku Tilmaamay

Sheeko:Dalka

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa waxay sheegeen in baraha bulshada ku wada xidhiidho ee internetka laga xidhi doono guud ahaanba Somaliland laga bilaabo lixda fiidnimo ee 13 bisha November oo ah maalinta loo dareerayo doorashada Somaliland.

Afyaheenka guddida doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in guddida doorashooyinka Somaliland ay shirkadaha isgaadhsiinta ku amreen in ay hawada ka saaraan baraha bulshada muddada lagu jiro doorashada.

“Maalinta loo dareero doorashada lixda fiidnimo ilaa inta lagu dhawaaqayo doorashada baraha bulshadu ku kulanto ee loo yaqaan Social Mediahu waxay noqon doonaan kuwo ka xidhan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxyaabaha la xidhaayo waxa ka mid ah; Facebook, Twitter, Snapchatka, flickr, instgram, whatsappka, Viberka, Linkedin, Tango, Google+ iyo Lemone. Laakiin waxaan rabnaa inaan u sheegno dadka reer Somaliland in aan haba yaraatee aanay jiri doonnin wax internet ah oo iyada laga xidhaayo dalka” Sidaas waxa sheegay afhayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse.

Haddaba, go’aanka kasoo baxay gudida doorashooyinka Somaliland ee ay hawada kaga saarayaan baraha bulshada mxuu ka qabaa sharicga Somaliland?

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac dafac guddooniyha xarunta xaquuqul insaanka madax-bannaan ee Somaliladn oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in arrintani ay kasoo horjeedo sharciga Somaliland isla markaana guddida doorashooyinku aanay awood u lahayn in hawada ka saaraan baraha bulshada.

“Sharci iyo awood uma laha guddida doorashooyinku in ay internetka gaar ahaan baraha bulshada ay ka xidhaan, wadamada dimuqraadiga ah ee doorashooyinka xor iyo xalaasha ah ay ka dhacaan internetka lama xidho waxa internetka ama baraha bulshada la xidhaa wadamada keligii-teliska ah sida Gabboon, Jaad iyo Uganda. Laakiin dal dimuqraadiya oo ummaddiisu ay tahay xor oo aan cabsi laga qabin in uu mad-madow dhaco internetka lama xidho dunida dimuqraadiyadu ka jirtana kama dhacdo” ayuu yidhi Sharci yaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac).

Ugu dambeyntii, waa markii ugu horraysay ee Somaliland hawada laga saari doonno baraha bulshada tan iyo intii la bilaabay isticmaalka baraha Bulashada.

Goobjoog News