U bood dhigaalka

Doorashadii Jowhar Oo U Hakatay Ergo La’aan

Sheeko:Baarlamaanka

Sida uu soo sheegayo wariyaha Goobjoog News ee magaalada Jowhar waxaa maanta jirin wax doorasho ah oo ka socota magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ay maanta hakad ku jirto doorashadii aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka oo maalmahan si wanaagsan uga socotay Jowhar.

Guddiga doorashada heer maamul goboleed ee Hirshabeelle oo aan wax ka weydiinnay sababaha maanta keenay hakadka doorashada ku yimid ayaa ka hadlay waxa keenay dib u dhaca.

Waxay sheegeen xubnihii aan la hadalnay in ergo la’aan ay jirto oo ergadii dooran lahayd labada kursi ee maanta la filayay aysan weli soo gaarin madasha doorashada ee Jowhar.

Magaalada Jowhar waa ay ka duwan tahay sidii hore waxaana ay noqotay magaalo aad u saxmad badan tan iyo markii ay ka billowdeen doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Illaa seddex xildhibaan ayaa u harsan maamulka Hirshabeelle kuwaasoo maalmaha soo socda lagu wado in lagu doorto magaaladaasi Jowhar.

Goobjoog News