U bood dhigaalka

Doorashooyinka Somaliland: Akhriso Goobaha Aanay Doorasho Ka Dhicin

Sheeko:Dalka, War

Waxaa socota doorashada madaxtinnimda Somaliland, inta badan degmooyinka waa la codeynayaa laakin waxaa jira goobo aaney ka dhicin wax doorasho ah.

Gobollada muranka badan ka jiray ee shakiga badan laga qabay dhanka doorashada waxaa ka mid ahaa: Sanaag, Sool iyo Togdheer, kuwaas oo ku yaalla xadka Somaliland iyo Puntland.

Gobolka Sanaag oo ah gobol ay ku muransan yihiin Somaliland iyo Puntland, meelo ka mid ah doorasho kama socoto, meelaha aaney doorashada ka dhicin waxaa ka mid ah Dhahar iyo Laasqoray, degmada Badhan inta badan doorasho kama socoto laakin waxaa jira deegaanno hoos-taga sida  Xiin-galool, Ceel,Bu iyo Hadaaftimo oo sanaadiiq la geeyay, dadna codeynayaan.

Gobolka Togdheer ayaa ka mid ah gobollada aan si fiican looga codeyn, magaalada Buuhoodle oo ah magaalo weyn oo gobolka ka tirsan qeybo ka mid ah waxaa heysato Khaatumo, qeybtaas lagama codeyn, laakin Burco, Shiikh iyo Oodweyne doorashada caadi ayey uga socotaa.
Gobolka Sool waxaa isna la sheegayaa in dadka ay caadi wax u dooranayaan magaalooyinkiisa Laas caanood, Caynabo, Xudun iyo Taleex.

Dhinaca kale, doorashada waxaa ay ka socotaa gobollada kale, waxaa codeeyay madaxweynaha Somaliland Maxamed Maxamud Silanyo iyo qaar ka tirsan murashaxiinta.

Sawirradii Ugu Dambeeyay:

sss (1)

ccw

waraabe muuse Biixi ciro 3 Cirro 1

1 FB_IMG_1510549823268 (1) FB_IMG_1510549967609 FB_IMG_1510549973058 IMG-20171113-WA0000 sss (1)

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada