U bood dhigaalka

Dowladda Fededraalka Oo Cambaareysay Gantaal Ay Xuutiyiinta Ku Tuureen Magaalada Makkah

Sheeko:Dalka

 

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey gantaaal habeenkii Jimcaha ay kooxda xuutiyiinta ku tuurtay magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarrama.

Waxaa lagu sheegay War-saxaafadeedka in dowladda Soomaaliya ay s cambaareynayso falkii ay ku dhaqaaqeen kooxda Xuutiyiinta Yemen.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qoran:

Waxa aanu si walaac ku jirto ula soconnaa xaaladaha halista ah ee ka jira Yemen, waxa aanu cambaareyneynaa maleeshiyooyinka Xuuthiyiinta oo gantaal balaastiko ah ku ganay deegaan ka tirsan Magaalada barakeysan ee Makka Almukaramah , waxa aanu u aragnaa dhaqankaas cadowtinimada baxsan leh fal aan marmarsiinyo noqon karin oo ka hor imaanaya dhammaan mabaadiida, waxa aanu cadeyneynaa sida aanu uga soo horjeedno xadgudubkaas halista leh ee dambiga xambaaran ee loogu tallaabay sharafta meesha dhulka ugu daahirsan, uguna xurmo badan iyo goobaha la xurmeeyo ee Islaamka.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ugu baaqeysaa Xukuumadda Sharciga ah ee Yemen, dhammaan dhinacyada hubeysan iyo ururada siyaasadeed ee kale inay u istaagaan soo afjaridda loolanka dhiigga ku daatay , iyaga oo u maraya dib u heshiisiin qaran iyo wadahadal dhab ah si loo ilaaliyo nafta dadka rayidka ah , loona joojiyo dhiigga shacabka aynu walaalaha nahay ee Yemen.