U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah Oo Lagu Leeyahay 8 Bil Oo Mushaar Ah

Sheeko:Dalka

Shaqaalaha Dowladda federaalka ah, Ciidan iyo rayidba waxaa ay dowladda federaalka ah ku leeyihiin mushaar 8 bil ah, sidaasi waxaa lagu ogaaday baaritaan ay sameysay  Goobjoog News.

Ciidamada Militariga iyo Booliiska waxaa ay sheegeen in 3 bil aaney qaadan mushaar, qaarkoodna 2 bil, Macalimiinta Jaamacadda umadda oo shaqo-joojin sameeyay  todobaadkan waxaa ay ku doodeen  in 5 bil aaney arag mushaar!

Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda federaalka ah oo la hadashay Goobjoog News waxay sheegtay in sanadkii hore oo ay shaqaale ka aheyd mid ka mid ah wasaaradaha dowladda, iyada oo dowladda ku tabeysa mushaar 6 bil ah, hadda oo ay Xildhibaan federaalka ah tahayna aaney mushaar qaadan 2-dii bil ee dambeysay, isku dar lacagta ka maqan 8daas bil, waxaa ay ku sheegtay 10 Kun oo Dollar!

Xildhibaan kale oo golaha shacabka ka tirsan waxaa uu isna sheegayaa in hadda aaney 2 bil  qaadan mushaar, sidoo kale uu dowladda ka sugayo mushaarka 6 bil oo sanadkii hore ah, Xildhibaankan waxaa uu ku jiraa weli baarlamaankan 10aad laakin waxaa jira Xildhibaanno aan soo noqon balse ka tirsanaa baarlamaankii 9aad, kuwaas oo iyaguna Goobjoog News u sheegay in ay dowladda weli ka heysato mushaarka 6 bil.

Iska daa ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah, dowladda federaalka ah waxaa ay u baahan-tahay 6 Milyan oo Dollar si ay u bixiso mushaarka 275 Xildhibaan oo dowladda ku leh mushaarka 8 bil!

Miisaaniyaddii sanadkan, Shaqaalaha rayidka ee dowladda guud ahaan waa: 5526 oo kala ah: Garade (A): 2502, (B): 1527, (C): 995, dowladda waxaa ay miisaaniyadda ku sheegtay in ay ku dhib qabto tirada shaqaalaha Garade (A) lacagta ku qaata, farqiga u dhaxeeya mushaaraadka shaqaalaha rayidka ah iyo siyaasiyiinta iyo tirada wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda.

Waxaa xusid mudan in shaqaalaha cusub ee dowladda federaalka ah qaadatay wixii ka dambeeyay doorashada madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo aaney weli qaadan wax mushaar ah, qaarkood waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in aaney jirin rajo ka sokeysa Janaayo 2018-ka.

Sida muuqata dowladda federaalka ah waxaa ku adkaaday bixinta mushaaraadka shaqaalaha rayidka iyo ciidanka labadii bil ee la soo dhaafay, Waxaa kale oo xaqiiq ah in odoros qaldan lagu meel-mariyay Miisaaniyadda 2017-ka.

Hey’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga adduunka labadaba waxaa ay qoraal ku sheegeen  in dowladda federaalka ah ay ku dhib-qabto deymaha gudaha, hey’adahan waxaa kale oo ay ka digeen in aaney isla socon lacagaha ay dowladda filaneyso ee miisaaniyadda ku jira iyo xaqiiqda dhulka taalla.

Iyada oo ay taasi jirto ayuu ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre 8-dii bishan ballan-qaaday in December 31-keeda wixii ka horeeya ay xukuumaddiisa bixin-doonto dhammaan mushaaraadka lagu leeyahay dowladda.

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlayey xaflad lagu taakuleyney ciidanka xogga dalka ayaa yidhi “Waxaan idiin ballan qaadnay in aan ka shaqeyn-doono dowlad wanaagga oo qof waliba oo dowladda u shaqeeya mushaar la siin doono..Waxan rabaa inaan shacabka Soomaaliyeed aan u sheego meel walba oo ay joogaan in sanadkaan 2017, uu ahaan doono sanad  qof walba oo dowladda Soomaaliya u shaqeeya ha ahaado ciidan iyo shacab  ama qarash dowladda lagu leeyahay oo ay heshay 2017, inuu noqon doono sanad mushaar walba la bixiyey,  qarash walbana la bixiyey, dowladda Soomaaliyana aan wax deyn ah la-gelinin”.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa shacabka u sheegay in iska daa mushaare uu xitaa bixin-doono lacagta ay xafiisyada dowladda ku shaqeeyaan “Sanadka 2017 bisha December 31 haddii uu ilaahey idmo waxaan ku soo dhameystiri doonaa halkaana waan ka sheegayaa,  haddii aad dowladda aad u shaqeyso,  inaad mushaarkaagii heshay Janaayo –December. Haddii aad ka shaqeyso xafiis dowladeedna aad heli-doonto lacagta xafiiskaada u ku socdo, oo aad xaqa u leedahay, waxaan ku darayaa in maamulka ani iyo madaxweyne Farmaajo aan mas’uulka ka nahay in aanu 2017 in qarash deyn ah uusan dalka Soomaaliya u keeni doonin”.

Hadaba, Dowladda federaalka ah ma bixin kartaa qarashkan iyo mushaaraadka intaasi la eg, waxaan arrinkaasi su’aal ka weydiiney Dhaqaale-yahan Bashiir Cabdi Xabeeb isaga oo ku jawaabay“Dowladda dakhligeeda oo iska yar, dakhliga gudaha, nidaamka canshuuraha oo system fiican u shaqeyn, tusaale ahaan canshuurihii berriga oo aan dalka si fiican ugu howl-gelin iyo dowladda aan jirin dakhli kale oo gudaha ka soo gala awgeed, waa adkaaneysaa in dowladda jeebkeeda wax ka bixiso”.

Dhaqaale-yahan Bashiir waxaa uu qabaa in dhammaan qarashka aan la wada bixin karin“Waxaa la dhihi karaa dowladda waa bixin kartaa xilligan ay dowladdan cusub joogto wixii ka maqnaa shaqaalaha, laakin aad ayey u adkaaneysaa dhammaan wixii shaqaalaha ka maqanaa, shaqaalaha waxaa la sheegaa in ay ku dhaw yihiin 10 kun, shaqaalaha ugu yar haddii aad wareysato waxaa ka maqan 5 bil iyo 6 bil, haddii shaqaalaha grade A yahay ama B waxaa isku dar midkiiba ka maqan 4000 wax ka badan, marka 10 kun oo shaqaalaha, qarashkaasi waa mid badan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu horay ugu cel-celiyay in xooggiisa isugu geyn-doono bixin mushaaraadka guud ahaan, gaar ahaan Mushaarka ciidanka tiiyoo lagu guul-dareystay bilihii ugu dambeysay.

Goobjoog News