U bood dhigaalka

Dowladda Hoose ee Berbera oo Soo Bandhigtay Boqolaal Arday oo ay Ka bixiyaan Fiiga Jaamacadaha

Sheeko:War

Dowladda hoose ee magaalada Berbera ayaa  markii ugu horreysay soo bandhigtay boqolaal arday oo ay ka bixiyaan fiiga jaamacadaha gudaha magaalada.

Xaflad Insniintii lagu qabtay magaalda Berber ayaa maamulka dowladda hoose ee degmada Berbera ku soo bandhigeen arday gaaraysa 320 arday oo laga bixiyo Fiiga saddex jaamacood oo ku yaalla gudaha Berbera.

Mayerka magaalada Bebera Cabdishukuur Maxamuud Ciddin oo la hadlay ardayda ayaa u sheegay in kulankani ardayda ay iskugu uu yahay mid isbarasho:

“Waxaan iskugu kiin yeedhnay maaha inaan idinku faanno, waa waajibaadkayagii inaan bulshadayada wax u qabanno, mana rabno in nalagu ammaano, waxa aan iskugu kiin yeedhnay wax weeye, inaan isbaranno marka hore, saddex jaamacadood oo kala duwan ayaad ka dhigataan culuumta, marka labaad oo ah inaan idiin sheegno maxaa la idiin maalgelinayaa, maxaa sababay in la iskaa garab istaago oo fiiga jaamacadda lagaa bixiyo”.

Mayerku waxa uu xusay in markii hore ay beegsan jireen ardayda danyarta ah oo qura, balse hadda uu xaalku ku socdo in dhamaan arday kasta laga bixiyo fiiga jaamacadda:

“Markii hore waxaan taargad- gareyn jirnay cidda aan awoodda u lahayn oo qura inaan caawinno, laakiin imika waxay u siqayasaa in ardayda Jaamacadaha dhamaantood uu maamulka degmadu  ka bixiyaan, waan ku faraxsannahay kama xumin, maalgelintan la idin siiyo iyo tacabkan la isla kiin garab taagay, markii horeba lacagtani si kale ayay u baxaysay”.

Si kastaba, 9, October, 2016 ayaa wasaaradda waxbarashada Somaliland hakisay taageeridda arday danyarta ah oo ay ka bixin jirtay fiiga jaamacadaha, sababo ay wasaaraddu ku sheegtay in cid kastaaba ay danyer isku diiwaangelisay oo dadkii wax haystay ay doonayaan in caruurtooda bilaash ay ku dhigtaan jaamacadaha.

Goobjoog News