U bood dhigaalka

Dowladda India Oo Ka Hadashay Badmaaxiyiintii Laga Badbaadiyey Burcad Badeedda

Sheeko:Dalka

Dowladda India ayaa ka hadashay 8 badmaax oo u dhalatay dalkaasi, kuwaa oo maalintii shalay ahayd laga badbaadiyey kooxaha burcad badeedda Soomaalida.

Sushma Swaraj oo ah haweeneyda wasiirka arrimaha dibadda ka ah dalkaasi ayaa furashadaasi sheegtay in ay tahay guul weyn oo ay gaartay dowladda Soomaaliya, maamulka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxay sheegtay iney u mahadcelineyso cid walbo oo kaalin ka qaadatay in muwaadiniintan u dhashay India ay dib u helaan xorriyadooda, iyaguna ay aad ugu farxeen dadaalka ay sameeyeen ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsannahay in muwaadiniinteena lagu haystay Soomaaliya la badbaadiyo, waxaan u mahacelineynaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug oo dedaal badan u sameeyey sidii burcad badeedda looga soo furan lahaa 8 muwaadin” ayeey tiri Wasiir Sushma Swaraj.

Ciidamada Nabad sugidda qeybtooda Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen Mudug waxay kusoo badbaadiyeen 8 badmaax oo u dhashay dalka India, kuwaasi oo u qafaalnaa koox burcad badeed ah.

Goobjoog News