U bood dhigaalka

Dowladda Itoobiya oo Raashin Mucaawino ah Gaarsiisay Somaliland

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa waxaa soo gaaray deeq raashin loogu talogelay dadka abaarhu dhibaateeyeen ee gobollada kala duwan ee maamulka, iyadoo deeqda ay ka timid dhanka dowladda Itoobiya.

Raashinkan oo ka koobnaa illaa 72 kun oo tan oo iskuu jira, cuntooyin nafaqeysan, qamadi, bur, bariis, iyo buskud, lagusoo raray gaadiidka xamuulka ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyiin iyo guddiga abaaraha heer maamul ee Somaliland.

Raashinkan oo lagula kala wareegay magaalada magaalada Tog-wajaale ayaa waxaa dowladda Itoobiya uga wakiil ahaa wakiilka dhanka ganacsiga ee xafiiska Itoobiya ee Somaliland Mr.Ageze Amelo.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Muxumed Maxile Boqorre ayaa ka hadlay deeqda waxa uuna  yiri, “Anigoo ka wakiil ah xukuumadda Somaliland halkan waxaan kula awareegeynaa deeq ay innagu caawiyeen walaalaheenna Itoobiya”.

Deeqadan ayaa  noqoneysa markii Labaad ee dowladda Itoobiya ay caawimaad dhanka abaaraha ah ay gaysato Somaliland, iyadoo shacabka maamulka ay haysato abaaro iyo sicirbarar dhanka lacagta doolarka ah oo aad ugu sii yaraaneysa suuqyada maamulka, iyadoo arrintan loo aaneynayo lacagta adag ee ku baxda qaadka maalin walba  dowladda Itoobiya ay u iibgeyso Somaliland.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada