U bood dhigaalka

Dowladda Iyo Galmudug Oo Heshiis Gaaray & Doorashadii Oo Dib Loo Dhigay

Sheeko:Dalka

Wada hadallo habeenkii xalay ahaa illaa gelinkii hore ee maanta ay magaalada Cadaado ay wasiiro, xildhibaanno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya la lahaayeen goleyaasha fulinta ee baarlamaanka Galmudug ayeey ku wada gaareen heshiis ku aadan xilliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Galmudug iyo wadahadal lagu heshiinayo Ahlu-sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug.

Heshiiskan  oo ka kooban illaa Saddex qodob ayaa dhanka dowladda Federaalka waxaa u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa, halka dhanka Galmudug ay si wadajir ah ugu saxiixeen madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweyne ee maamulkaasi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u akhriyey heshiiska maanta Galmudug iyo dowladda Federaalka Cadaado ku wada saxiixeen.

Qodobada Heshiiska

  • in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug ee horey loo qorsheeyey iney dhacdo 10-April-2017, lana qabto 30-April-2017, taas oo waafaqsan codsigii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ee ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug.
  • Mudada u dhaxeysa 10-ka illaa 24-ka bishan April 2017 waxaa soconaya wada hadallada dib u heshiinta Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca iyo hirgelinta qodobada heshiiskaasi kasoo baxa.
  • Mudada u dhaxeysa 25-ka illaa 30-ka bisha Afaraad ee 2017 waxaa la qaban qaabinayaa doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo dhaceysa 30-ka bishan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii uu waqti kooban ugu dhaqangeli lahaa heshiiskaasi ay saxiixeen.

“Waxaan rajeyneynaa howshaasi sidii aan u gaarnay iney u mira dhasho, waqtiga aanu haysanana waxaan ku dadaali donnaa in sida ugu fudud ee suurtagalnimada ah aan howshaasi u galno, dhinacyada ay quseyso dhan waxaan rajeyneynaa in si niyad furnaan ah in arrimahaasi loo fududeeyo”

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo isna halkaasi hadal ka jeediyey ayaa Ahlu-sunna ugu baaqay iney tixgeliyaan dedaallada ay waddo dowladda Federaalka si loo mideeyo bulshada Galmudug.

“Waxaan marqaati ka ahayn in isku dayo badan oo arrintan ah ay fashilmeen, waxaan ka codsaneynaa in Ahlu-sunna ay arrintaan aqbalaan, dowladda cusub ee Soomaaliya ay fursad siiyaan, loona mideyn lahaa Galmudug, waxaan fursaddaan u bixinnay inaan idiin helno, idinkana inaad na heshaan aad bay muhiim idiin kugu tahay” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa horey u diidanaa jiritaanka maamulka Galmudug, hase ahaatee dowladd Madaxweyne Farmaajo ayaa bilowday dedaal  lagu wada hadalsiinayo Ahlu-sunna iyo Galmudug.

Goobjoog News