U bood dhigaalka

Dowladda Moroco Oo Soo Celinayso Xiriirkii Diplomaasiyadeed Ee Ay La Lahayd Cuba

Sheeko:Dalka

Dowladda Moroco ayaa sheegtay inay dib u bilowday xiriirkii ay la lahayd dowladda Cuba, kaas oo go’ay muddo haatan laga joogo 37 sano.

Labada Safiir ee kala matalayo Labada dal ayaa waxay heshiis ku kala saxiixdeen xarunta Qaramada Midoobay ee  New York, heshiiskaan ayaa waxa uu qeexayaa in xiriirkii dhanka Diplomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Cuba iyo Maroco ay dib u bilaabi doonaan .

Heshiiska ayaa waxaa lagu yiri “dib u bilaabashada calaaqaadka labada dal ay dan ugu jirto labada dowladood isla markaana horay laga fuliyo heshiiska”.

Xiriirka diploomaasiyadeed ee u dhaxeeyay wadamada Cuba iyo Moroco ayaa waxa uu go’ay sanadkii 1980 markaas oo Labada waddan ay kala hogaaminayeen Xuseen Al-saanii oo ahaa boqorka Moroco iyo Fidel Castro oo ahaa madaxweynaha Cuba, sababta uu xiriirka Labada waddan u go’ay ayaa ahaa in dowladda Cuba ay taageero weyn ay u muujisay jabhadda  Polisario’s oo ka dagaalanto saxaraha waddanka Moroco.

Goobjoog News