U bood dhigaalka

Dowladda Oo Canshuur Ka Qaadeysa Shirkado Shisheeye Oo Ku Sugan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan Canshuurihii ku waajibay looga doonayo shirkadaha ku sugan Xereda Xalane iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Xalane ay ku sugan yihiin 157 shirkan kaliyana ay canshuurta bixiyaan 9 shirkadood.

Waxa uu sheegay wasiir Yariisow in dowladda aysan aqbali doonin in dalkaan ay ka shaqeeyaan shirkado aan canshuurtii ku waajibtay bixineyn, ciddii bixin weysa Canshuurtana sharciga la horgeyn doono.

“Iyadoo laga duulayo baaqii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Kheyre iyo guddiga hoosaadka arrimaha maaliyadda, in dhammaan shirkadaha ka howlgala Xalane ama garoonka Muqdisho ama Soomaali ha ahaadaan ama ajaaniib lala kulmo, islamarkaana loo caddeeyo iney waajib ku tahay iney bixiyaan canshuurihii ku waajibay, ha noqoto canshuuraha shaqaalaha u shaqeeya, ha noqoto canshuuraha macaashka ee ay faa’idaan iyadoo la ogyahay 157 shirkadood iney ka shaqeeyaan Xalane illaa iyo hadana wasaaradda maaliyadda waxay soo caddeysay in 9 shirkadood kaliya ay bixiyaan canshuurihii ku waajibay, waxaa aad loogu adkeeyay lagu celceliyey in dowladda hadda jirta ay ku xisaabtameyso isla xisaabtan oo dhab ah, cid allaale ciddii ku waajibtay canshuur markii shirkaduhu bilaabeen howlahooda illaa iyo maantana laga doonayo  iney si degdeg ah usoo bixiyaan, ciddii canshuurtaasi ku waajibtay bixin weysana shrciga lala tiigsanayo, haba yaraatee ineysan jirin cid ka sarreysa sharciga” ayuu yiri wasiirka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa kordhisay wax soo saarka gudaha, xilli dowladda ay si joogta ah u bixiso mushaarka shaqaalaha rayidka iyo sidoo kale ciidamada qalabka sida.

Goobjoog News