U bood dhigaalka

Dowladda Oo Fasaxday Shaqaalaheeda Iyo Kuwa Gaarka Ah

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Maanta oo Talaado ah iyo Berri oo Arbaco ah ay fasax yihiin shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale kuwa gaarka ah.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Cismaan Libaax Ibraahim ayaa u sheegay wakaaladda wararka Soomaaliyeed in shaqaalaha loo fasaxay doorashooyinka awgoog.

Shaqaalahan ayaa fasax ahaan doona Labo maalin oo maanta iyo Berri oo doorashada ay dhacayso ah.

Amniga guud ee magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyey, waxaana magaalada aan ka jirin isku socodkii gaadiidka dadweynaha.

Maalinta berri ah waxaa Muqdisho lagu dooran doonaa madaxweynaha dalka hoggaamin doona 4-ta sano ee soo socota.

Goobjoog News