U bood dhigaalka

Dowladda Oo Laga Dalbaday Xalinta Colaadaha Ka Jira Gobollada Dalka Qaarkood

Sheeko:Dalka

Gudiiga dib u heshiisiinta qaran ayaa dowladda Federaalka ee Soomaaliya ka dalbaday iney gacan ka geysato sidii loo xalin lahaa colaadaha ka jiro deegaanno kamid ah gobollada dalka.

Xoghayaha guddigan C/casiis Qaliidi oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa tilmaamay in ay aad uga xun yihiin ka guddi ahaan dagaallada soo cusboonaaday.

Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka, Culimada, ganacsatada iyo waxgaradka waajib ka saaran yahay sidii looga qeybqaadan lahaa joojinta colaadaha.

“Cid walbo oo Soomaaliyeed waajib baa ka saaran daminta colaadahan, dowladda, waxgaradka, culimada, ganacsatada iyo cid walbo oo Soomaaliyeed waa iney damiyaan dagaalladan kusoo noqnoqday gobollada dalka, madaxdii maxaa looga la yahay iney soo abaabulaan culimadii, waxgaradkii si loo dhameeyo wax walbo oo jira, annaga diyaar baan u nahay inaan nabadda ka qeybqaadanno laakiin waa in nala ambabixiyaa” ayuu yiri xoghayaha.

Deegaanno badan oo dalka ah waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaallo u abaabulan qaab qabiil, kuwaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Goobjoog News