U bood dhigaalka

Dowladda Oo Loogu Baaqay In Xildhibaannada Galmudug u Deyso Xallinta Khilaafka Madaxda Sare Ee Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah waxgaradka ka soo jeeda Galmudug ayaa dowladda ugu baaqay in xildhibaannada gobolkaas laga soo doortay loo daayo dhameynta  khilaafka jira.

Nabadoon Cabdi Axmed Cali oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in khilaafka ka dhex jira Galmudug uu yahay mid ay xallintiisa leeyihiin xildhibaannada gobolka.

Senatarradii iyo xildhibaannadii federaalka ka tirsan ee dhowaan Cadaado gaaray ayuu uga mahadceliyay sida ay isugu xilqaameen dhexdhexaadinta madaxda Galmudug.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in hadda reer Galmudug ay u taallo sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen una dhammeyn lahaayeen khilaaf walba oo jira.

“Dowladda waxaan ugu baaqeynaa iney faraha kala baxdo arrinta Galmudug oo loo daayo xildhibaannada iyo waxgaradka Galmudug, xildhibaannadii yimidna dedaal weyn ayeey sameeyeen wax badanna waa ay qabteen iyaguna waan uga mahadcelineynaa” ayuu yiri Nabadoion Cabdi.

Khilaafka ka dhaxeeya madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa maraya meel sare, iyadoo weli aanu muuqan xalka ugu dambeeya ee wax lagu xalinayo.

Goobjoog News