U bood dhigaalka

Dowladda Oo Sheegtay In Hal Milyan Oo Ari Ah Loo Dhoofinayo Dalka Sacuudiga

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dalka Sacuudiga loo dhoofin doono Hal milyan iyo Boqol neef oo Ari ah xilliga Xajka.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay wasaaraddu ku mashquulsaneyd sidii guulo looga gaari lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay in wadahadallo muddo qaatay oo ay la galeen dowladda Federaalka ay ku guuleysteen in la aqbalo in xoolaha Soomaaliya loo dhoofiyo dalka sacuudiga.

“Waxaan rabaa inaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed la wadaago in muddooyinkii ugu dambeeyay ay wasaaraddu ku mashquulsaneyd sidii guullo looga gaari lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed oo ah laf dhabarta nolosha dadkeenna, wadahadallo muddo qaatay kadib waxaan ku guuleysannay in boqortooyada Sacuudiga u dhoofinno Hal Milyan  iyo Boqol neef oo Ari ah xilliga Xajka, hadduu Alle idmo waxaan mar walbo ka shaqeyn doonnaa oo wasaaradda xanaanada xoolaha gacan weyn ka geysan doontaa kobcinta dhaqaalaha aanu ka helno xoolaha aan dhoofinno si dadkeenna uga faa’ideystaan kheyraadka Alle nagu maneystay oo xooluhu ay kamid yihiin” ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa sheegay in weli ay socdaan wadahadallada ay la leeyihiin dowladda, meel wanaagsanna ay u marayaan dedaallada lagu doonayo in dhoofinta xoolaha ee Soomaaliya kala dhaxeyso Sacuudiga dib u furmo.

Sacuudiga ayaa horey u sheegtay iney joojinayaan dhoofinta xoolaha ee Soomaaaliya la geeyo, balse tani ayaa noqon doonta guul usoo hoyatay shacabka iyo dowladda.

Goobjoog News