U bood dhigaalka

Dowladda Oo Xirtay Inta Badan Waddooyinka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay saakay xirtay inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, kadib qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Gaadiidka dadweynaha ayaa loo diidayaa iney ka degaan waddooyin badan oo isku xira wadnaha iyo sidoo kale Makka Al-mukarrama.

Waxaa la arkayaa ciidamo badan oo taagan isgyosyada kala ah Sanca, Afarta Jardiin, Siinaay, Ferolensa, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, Sheekh Cali Suufi, waxayna gaadiidka u diidayaan iney aadaan dhanka Makkada Al-mukarrama.

Waxaa gaadiidka loo ogol yahay oo kaliya wadada dheer ee Wadnaha, iyadoo sidoo kale la arkayo shacab aad u badan oo cagta maalaya.

In ka badan 50 qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay qarax gaari loo adeegsaday oo shalay ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News