U bood dhigaalka

Dowladda Sacuudiga Oo Deeq Raashin Ah Siineysa 25-kun Qoys Oo Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa sharaxaad ka bixisey gar gaar raashin ah oo ka yimid dowladda Sacuudiga, kaasi oo la doonayo in loo qeybiyo 25 kun qoys oo Soomaaliyeed.

Wasiirka wasaaraddaasi, Dr’s Maryan Khaasim ayaa sheegtay in deeqdan raashiinka ah ay geyn doonaan gobollada dalka guud ahaan, sidoo kalena laga qeybin doono magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Raashiinka ay dowladda Sacuudiga ku caawineyso dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso ayaa ka kooban 7 nuuc, waxaana bixin doonta wasaaradda Gargaarka.

“Waxaan daah furnay gargaar naga soo gaaray walaalaheen Sacuudiga, aad bay noogu soo gurmadeen, raashiinkaan aad arki kartaan waxaa loogu talogalay 25-kun oo qoy oo Soomaaliya oo dhan ah, maanta waa daah furkii, Xamar iyo agagaarkeeda waa laga qeybin doonaa, dhammaan gobollada waa la tagi doonaa, Hirshabelle, Galmudug, K/galbeed, Jubbaland iyo Puntland” ayeey tiri Drs, Maryan.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaana raashiinkan uu wax badan ka bedali doonaa xaaladda qoysas Soomaaliyeed.

Goobjoog News