U bood dhigaalka

Dowladda Talyaaniga Oo Qalab Ku Wareejisey Ciidanka Bambeyda Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Dowladda Talyaaniga ayaa maanta oo ah Arbaco waxa ay qalab Music ku wareejisay ciidanka Bambeyda Soomaaliyeed, qalabkaasi oo loogu talogalay in ciidankan lagu horumariyo.

Qalabkan oo ka kooban 13 xabo ayaa isugu jira qeybaha kala duwan ee Muusikada ay isticmaalaan ciidanka Bambeyda , waxayna si gaar ah uga timid ciidanka Bambeyda Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Baanbeyda Maxamed Cali Xalaal ayaa warbaahinta u sheegay in qalabkaan uu yahay mid ay u baahnaayeen, islaamarkaana ay aad ugu faraxsan yihiin.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay qalabkaan, maadaama dowladda Talyaaniga dhanka waxbarashada iyaga ka haysanno, oo macallimiinteenna yihiin, madaxdeenna qarankana howshaan iyagaa ka shaqeeyay waana u mahacelineynaa” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada Baambeyda  Soomaaliyeed ayaa muddooyinkaan dambe aad loo hormarinayey, iyagoo hadda haysta qalab casri ah.

Goobjoog News