U bood dhigaalka

Dowladda Turkiga: 4 Mliyan Oo Dollar Ayaan Ku Taageereynaa Doorashada Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in dalkiisa uu ilaa 4 Milyan oo Dollar ku taageeri doono doorashada Soomaaliya 2016-ka.

Olgan Bekar waxaa uu sidoo kale ka hadlay in loo baahan yahay in doorashada 2016-ka ay ka marnaato cadaadis iyo faragelin toona, isagoo balan ku qaadeyn in Soomaaliya ay taageeri doonaan dhinac walbo.

93 sano ayaa la joogaa markii Turkiga uu isku badalay Jamhuuriyad, waxaa xiligaas burburay dowladda Cusmaaniyiinta, Mustafa Kamal Atator (Aas-aasihii Jamhuuriyadda Turkiga), 1924-tii  ayaa khilaafadii Cusmaaniyiinta meesha ka saaray.

Cusmaaniyiinta(1299-1924)

Waa Qoys ka tali jiray Dhulalka Jaziirada Carbata,Shaam,Masar,Maroco…..Ilaa Somaliya…..Cusmaa-ka Koobaad ayaa magaciisa lagu samiyay dowladda…..waxay dowladda Cusmaaniyiinta furteen u dhulalka u dhaxeeya Yurub iyo Ruushka.

Waxaa ugu muhiimsan Hogaamiyaashooda: Muhammed Al-Faatix (1481-1451) kasoo furtay Magaalada Qusdhandhiiniyah ama Istanbul…..sidoo waxaa uu maamulka Cusmaaniyiinta gaaray meelo badan oo Caalamka ka tirsan Ilaa ay tagaan Wadamada Bariga fog….

Lagasoo bilaabo Cusmaan El-Awal ilaa Cabdil majiidka Labaad 1924-tii…waxaa uu maamulkooda socday muddo aad u dheer…..waxay soo martay dowladooda heerar kala duwan ilaa markii dambe ay aad usoo laciifto iyadoo ugu dambeentii uu ka taqalusay Mustafa Kamal Atator (Aas-aasihii Jamhuuriyadda Turkiga), 1924-tii kasoo meesha ka saaray khilaafadii Cusmaaniyiinta ee ka jirtay turkiga kuna badalay Dowlad Cilmaani ah.

Goobjoog News