U bood dhigaalka

Elektaroonikada Oo Noqon Doona Qeyb Ka Mid Ah Jirka Bani’aadanka

Jennifer Farstad oo ah khabiir iyo maalgashade u dhalatay dalka Mareykanka ee dhanka hal-abuurka, ayaa fileysa in jirka aadanaha lagu beero elektarooni ay tahay arrin aan laga fursan doonin mustaqbalka dhaw.

Hadalkan ayay ka jeedisay shirkii Synergy Global Forum oo dhawaan lagu qabtay dalka Mareykanka waxayna tiri “Daahrogyada cusub iyo hor-u-marka dhanka teknoolajiyadda waxay u socdaan si dhakhsiyo ah, in qalab lagu beero jirka aadanaha waa cawaaqibka hor-u-markaa ka dhalanaya oo nagu soo food leh.”

Waxay intaa sii raacisay: “Arrintu waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn, laakiin waxaan rabaa inaan idinla wadaago, maalgashadaha iyo ganacsadaha Mareykanka ah ee weyn ee la yiraahdo  Elon Musk ayaa waxa uu aasaasay shirkadda ‘Neuralink‘, taas oo aan aaminsanahay iney arrintaa ka shaqeyn doonto, waxaanana filaynaa in shirkado kale oo arrintaa ka howlgala ay iyaguna soo bixi doonaan.”

Goobjoog News