Skip to content

Afar qof Soomaali isku qoys ah oo ku geeriyootay shil Naxtin leh ka dhacay Mareykanka (Aqriso Magacyadooda)

Storyline:Science & Tech, World

Magaaladda Clermont oo ka tirsan gobolka Iowa ee dalka Maraykanka ayaa waxaa shalay ka dhacay shil gaari oo ay ku dhinteen illaa afar qof oo Soomaali ah kuwaasoo la sheegay iney hal qoys ka soo wada jeedaan.

Saraakiisha Booliska degmada Fayatte oo ah goobta uu shilkan naxdinta leh ka dhacay ayaa sheegay in afarta qof ee Soomaalida ay dhinteen markii gaari ay wateen uu ku dhacay gaari kale oo xamuul ah.

Marxuum Shariif Xuseen Warsame oo ahaa darawalkii waday gaariga shilka galay ayaa Boolisku waxay sheegeen inuu jidka ka celin waayay gaariga, taasina ay sababtay inuu ku dhaco gaariga kale.

Waxaa Shariif Xuseen la geeriyooday sadex kale oo qoyskiisa ka mid ahaa kuwaasoo kala ahaa hooyadiis Khadiija Maxamed, iyo habaryarihiis oo kala ahaa Miski Maxamed iyo Maryan Kullane, waxaana shilkan uu noqonayaa mid ka mid ah kuwii ugu xumaa ee soo mara taariikhda Soomaalida ku nool dalka Maraykanka.

Qoyskan ayaa la sheegay iney ku soo jeedeen xiliga uu shilka qabsanayey goob warshad ah oo ay shaqaale ka ahaayeen, iyadoo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ay sheegeen in dadkaas dhamaantood goobta loogu tegay iyagoo wada meyd ah.

Darawalkii gaariga kale Alan Shclee iyo kaaliyihiisii Pamela Ann ayaa la dhigay isbitaala Palmer Hospital ka dib markii ay ku dhaawacmeen shilkaas gaari ee sababay dhimashada afarta qof ee Soomaalida oo ay aad uga naxeen Soomaalida kale ee ku nool dalka Maraykanka.