Skip to content

Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka hadlay Warar laga faafiyay oo ahaa in uu Geeriyooday:

Storyline:Archive, Science & Tech

Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay Warar ay dhawaan Faafiyeen Saraakiil katirsan Dowlada Kenya oo ahaa in Sheekh Cali Dheere lagu dilay Weerar Duqeyn ah oo ka dhacay Gobolka Gedo.

Sheekh Cali Dheere waxa uu xusay in been cad ay tahay Wararka ay baahisay Dowlada Kenya ee ahaa in uu Geeriyooday , waxa uuna tilmaamay in Dowlada Kenya iyo Dowladaha kale in mar walbo been sheegaan oo dadka marin habaabiyaan.

‘’Ma jecleyn warka Beenta ah ee Kenyanku faafiyeen in aan ka jawaabo hasa ahatee waxaa arintan igu kalifay in aan ku qanciyo Shacabka Soomaaliyeed oo aan tuso beenta ay sheegayaan Dowlada Kenya iyo Dowladaha kale ee Cadawga ah ‘’ ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaana ku eedeeyay Warbaahinta Afka Soomaaliga ku hadla qaarkood in ay ku fududaadeen baahinta Warkan , waxa uuna tilmaamay in ay habooneed in ay iska hubiyaan kahor inta aysan warkaasi qaadan.

Major Emmanuel Chirchir oo ah Afhayeenka Milateriga Kenya ayaa Warbaahinta u sheegay Todobaadkii hore in Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere uu u geeriyooday Dhaawac Halis ah oo kasoo gaaray Duqeyn Diyaaradaha Kenya ka geesteen Gobolka Gedo.