Skip to content

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo Faahfaahin Ka Bixiyey Hoobiyaal Ku Dhacay Xaafado Ka Mid ah Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Afhayeenka ciidanka booliska dawlada federaalka Soomaaliya Gen Maxamed Cumar Madaale ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga hadlay tiro hoobiyaal ah oo xalay ku soo dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska ayaa beeniyey warar warbaahinta qaarkeed qortay oo sheegayay in dad ay ku dhaawacmeen hoobiyaashii xalay ku dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inaysan wax khasaare ah geysanin.

“Waxay ahaayeen qaraxyo macmal ah oo badankood hawada ku qarxay, mana jiraan cid wax ku noqotay iyo wax khasaare ah oo ay geysteen.” ayuu yiri afhayeenka booliska.

Afhayeenka booliska ayaa intaa ku daray inay tageen dhammaan degmooyinka ay xaklay madaafiicdu ku dhacday, wuxuuna sheegay in markii ay baareen ay arkeen inay qaraxyadu ahaayeen waxyaabo gacan ku sameys ah, sida uu yiri oo loogu talagalay in amniga magaalada lagu waxyeeleeyo dadkana lagu cabsiiyo.

Taliska booliska waxa uu xaqiijiyey in hawlgal ay xalay qaadeen ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida qaraxyada ka dib lagu soo qabqabtay dad fara badan oo xabsiyada lagu guray.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saaka degan waxaana dadku hadalhayaan qaraxyadii xalay fiidkii laga maqlay degmooyin ay ka mid yihiin Xamarweyne, Xamarjajab, Hodan iyo Warta Nabadda oo madaxtooyada Villa Soomaaliya ka tirsan tahay.

Ciidamada booliska iyo nabadsugida oo xalay saqdii dhexe magaalada lagu soo siidaayey aya illaa saaka wada baaritaano degmooyinka Yaaqshiid, Dayniile iyo Huriwaa meelahaas oo la tuhunsan yahay in qaraxyada magaalada ku soo daatay laga soo tuuray.