Skip to content

Ajaaniib ay ku jiraan shaqaale ka tirsan QM oo ku dhintay weerar ka dhacay magaalada Kaabuul.

Storyline:Science & Tech, World

Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxay ku waramayaan inay geeriyoodeen 20 ruux oo ay ku jiraan shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey kadib markii dagaalyahannada Daalibaan ay weerar ku qaadeen Maqaaxi ay ka cunteeyaan dadka Ajaaniibta ah oo ku taalla magaalada Kaabuul.

Weerarka oo ay sheegatay Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan waxaa lala beegsaday Baar lagu magacaabo “Lubnaan” oo kuyaalla bartamaha magaalada Kabul, halkaas oo ah meel ay ka cunteeyaan Diblumaasiyiinta iyo shaqaalaha Ajaanibta ah ee ku nool magaalada caasimadda u ah dalka Afghanistan.

Goob joogayaal ku sugan magaalada Kabul waxay sheegeen inay maqleen dhawaqa qaraxyo iyo rasaas culus oo ka dhaceysa agagaarka Maqaaxida Lubnaan, halkaas oo ah meel ay kuyaallaan Safaarado iyo dhismayaal ammaankooda si weyn loo ilaaliyo.

Afhayeenka Daalibaan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo farriin qoraaleed u diray Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegay in weerarka ay ku dileen dad badan oo Ajaaniib ah oo u badan kuwo kasoo jeeda dalka Jarmalka, inkastoo Dowladda Jarmalka ay sheegtay in illaa iyo hadda aysan xaqiijin karin in dad u dhashay dalkeeda ay qeyb ka ahaayeen ay qeyb ka ahaayeen Ajaaniibta meesha ku dhintay.

Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan ayaa weerarro qorsheysan waxay had iyo jeer ka fulisaa goobaha ammaankooda sida weyn loo ilaaliyo ee kuyaalla bartamaha magaalada Kaabuul ee caasimadda dalka Afghanistan.