Skip to content

Al Shabaab oo gobollada ay ku sugan yihiin ka bilaabay ururinta dhalinyaro iyo odayaal u dagaalama (XOG)

Storyline:Archive, Science & Tech

Wararka laga helayo gobollada Shabeelaha Hose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa sheegaya in ururka Al Shabaab ay halkaasi ka bilaabeen ururinta dhalinyaro iyo odayaal ay ka dhigtaan ciidamo u dagaalama ka dib markii dawlada federaalka Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay ku dhawaaqeen duulaan ka dhan ah Al Shabaab.

Maalmihii u dambeeyayayaa saraakiisha Al Shabaab waxay bilaabeen kulamo iyo bannaanbaxyo ay dadka isugu keenayaan deegaanada ay ku sugan yihiin iyagoo odayaasha beelaha ugu baaqay inay keenaan dad lagu biiriyo dagaalyahanada Al Shabaab si ay uga hortagaan dulaanka ku soo wajahan.

Degmada Baardheere ayaa maalintii shalay waxaa kulan ka dhacay lagu arkay Sheekh Fu’aad Shongole oo ka mid ah saraakiisha Al Shabaab kaasoo dadweynaha magaalada Baardheere iyo odayaasha beelaha ku dhaqan halkaasi ku amray inay dhalinyarada iyo duqowda ay hubka qaataan kuna biiraan dagaalka.

Fu’aad Shongole ayaa ku hanjabay in cidii aan ka soo qeybqaadanin dagaalka uu ku sheegay inay kaga hortagayaan ciidamada Itoobiyaanka in ay noqon doonto mid taageersan dawlada Soomaaliya iyo Itoobiya, arrintaasoo dadweynaha Baardheere cabsi ku beertay.

Dhinaca kale kulamo kuwan la mid ah ayay saraakiisha Al Shabaab ku qabteen degmooyinka Buulomareer, Buuloburde iyo Jilib iyagoo dadweynaha deegaanadaasi iyo odayaasha ka dalbaday inay keenaan ciidamo u dagaalama Al Shabaab.

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Dheere oo ka qeybgalay kulanka ka dhacay degmada Buulomareer ayaa odayaasha beelaha ay la shireen weydiistay beel kasta inay keento 300 dhalinyaro ah oo ka qeybqaata dagaalka.

Dad ku sugan degaanada ay maamulaan Al Shabaab ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay uu sii badanayey culeyska ay Al Shabaab sarayaan dadweynaha gaar ahaan odayaal dhaqameedyada beelaha iyadoo taasina ay keentay in qaar badan oo dadka aan jecleysan amarada Al Shabaab ay isaga carareen gobollada ay ka taliyaan Al Shabaab.