Skip to content

Al-Shabaab oo ka hadashay Wararka sheegaya in Ciidamada Kenya xoog uga furteen Maxaabiis ay hayeen

Storyline:Archive, Science & Tech

Saraakiil katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa been abuur cad ku tilmaamay war shalay kasoo baxay Taliska Ciidanka Kenya ee Soomaaliya ku sugan, kuwaa oo sheegay in ay xoog kusoo furteen labo maxbuus oo gacanta ugu jiray Dagaalyahanada Al-Shaaab.

Warbaahinta Afka Al-Shaaab ku hadasha oo soo xiganaysa saraakiil kooxdaasi katirsan ayaa sheegay in labada Maxbuus ee Kenyanka la siidayay ayna ahaayeen rag bilo kahor Magaalada Baraawe ku shaaciyay in ay Islaameen.

Labadan Maxbuus ee hada lasii daayay ayaa lagu Islaamiyay Masjid weyn oo kuyaala Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose . waxa ayna sheegen ragan oo Masjidka ka hadlay in ay qaateen Diinta Islaaka ayna ku farxasan yihiin .

Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Al-Shaaab oo goob jog ka ahaa goobta ay ku Islaameen Maxaabiistan Kenya ayaa shaaciyay in ay fasax yihiin ayna aadi karaan meeshii ay rabaan kol hadii ay islaameen , waxaana hada Saraakiil katirsan Al-Shaaab shaaciyeen in Maxaabiistaasi iyagu fasaxeen balse aan xoog looga furan.

Taliska Ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa shalay sheegay inay xoog kusoo furteen labo ruux oo u dhashay dalka Kenya una kala shaqeynayay hay’addaha dhaqaatiirta aan xaduuda laheyn ee MSF iyo Care International, kuwaa oo muddo Sadex sanno ah gacanta ugu jiray Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

War ay soo saareen taliska ciidamada Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa lagu sheegay in ciidamadooda ay furteen labada ruux ee lagu kala magacaabo Daniel Njuguna iyo James Kiarie , labadan qof ayaa xeryaha qaxootiga Kenya ku yaala laga soo qafaashay sanadkii 2011 , Taliska Kenta ma shaacin qaabka ay kusoo furteen ragaan.

Dad badan oo wax kala socda arimaha Al-Shabaab ayaa aaminsan in ay adag tahay in Shabaab xoog looga furan karo maxaabiista gacanta ugu jira , waxaana hada u badan tahay Maxaabiistaan Xuriyadooda helay in Al-Shabaab iyagu iska fasaxeen.