Skip to content

Al Shabaab:Ciidanka Itoobiya waxba kuma soo kordhinayan AMISOM

Ururka dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ee Al Shabaab,ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ku biirida ciidamada Itoobiya ay kaga mid noqdeen ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.

Hadal uu soo diray Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo ah afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab, ayuu waxaa uu ku soo qaaday inaysan wax isbadal ah keeni doonin ciidamada Itoobiya,waxaana uu inta ku daray inaysan ciidamada dowladda Itoobiya, waxba ku soo kordhin doonin hawlgalka Amisom ee ka dhanka ah Ururkooda.

Waxaa uu soo hadal qaaday sargaalkan ka tirsan Al Shabaab in ciidamada dowladda Itoobiya, ay horrey u jooggeen gobollada koonfureed ee Soomaaliya, kahor inta aynaan ka mid noqon Amisom,waxaana uu raaciyey inaysan hakad galin doonin dagaalka ay wadan ayna la dagaallami doonan ciidanka Itoobiya.

Afhayeenka ururka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Shabaab,waxaa uu sidoo kale Qaramada Midoobe ku eedeeyay taageerada muuqato, ee ay siineyso Dowladda Itoobiya, sidii ay ugula wareegi laheyd buu yiri meelaha ay ka joogto Soomaaliya.

Cali Dheere,sidoo kale hadalkiisa waxaa uu ku daray in bulshada Soomaaliyed ku gacan siiyaan, sidii ay u fashilin lahaayeen Ciidamada Itoobiya, sida uu yiri.

Si kataba ciidamada Itoobiya ayaa lugu sheegay inay yihiin kuwo kaga wanagsan ciidamada kale ee AMISOM,la dagaallanka Al Shabaab.