Skip to content

Amiirla Al-Shabaab oo soo diray Fariin Xasaasi ah uu kaga hadlayo arimo kala duwan

Storyline:Archive, Science & Tech

Amiirka Guud ee Xarakada AL-Shabaab Sheekh Muqtaar Abuu Zubeyr ayaa soo diray fariin xasaasi ah uu kaga hadlayo Duulaanka Ciidamada Itoobiya kusoo qaadeen Deegaano iyo Degmooyin ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen .

Abuu Zubeyr ayaa Fariinta Codka ah uu soo diray ku sheegay Duulaanka Cusub ee Ciidamada Itoobiya kusoo qaadeen Qaar kamid ah Gobolada Dalka in uusan aheyn mid hada bilowday balse uu soo jiray qarniyo badan .

Amiirka Al-Shabaab ayaa tilmaamay in dagaallada lagu soo qaadey Soomaaliya markasta ay hormuud u ahayeen Ciidamada Itoobiya , waxa uuna intaa raaciyay in Duulaanka hada iyo kuwii hore uusan u dhaxeyn farqi sidaa u weyn.

‘’Xabashidu waxa ay ku soo duushey Soomaaliya qarnigii 18-aad, Waxay duulaan ku ahaayeen Amiirkii Axmed Gurey, waxaa ku xigey Qarnigii 19-aad dagaalkii Ingriisku ku soo qaadey Soomaaliya kuwaas oo u adeegaya Mililikhii Itoobiya waxaana dhaxalkii dagalkaasi noqdey Soomaaliya qaybo ka mid ah loo qaybiyey Kenya iyo Itoobiya’’ ayuu yiri Amiirka Al-Shabaab.

Abuu Zubeyr ayaa ku sheegay Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud uu Madaxweynaha ka yahay mid aad u liidata oo ka amar qaadata gaalada , waxa uuna ku eedeeyay in mar kale dalka Soomaaliya ay kusoo hogaamisay Dowlada Xasan Sheekh Cadaw soo jireen ah.

Amiirka Guud ee Al-Shabaab ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan Dagaalada ay kala horjeedaan Ciidamada Itoobiya , waxa uuna intaa raaciyay Duulaanka Itoobiya in uu yahay mid lagula dagaalamayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Hoggaamiyaha Al-Shabaab oo Fariin Cod ah soo diray diiradana saaray Hawlgalka Ciidamada Itoobiya (Dhageyso)

Hadalka kasoo yeeray Amiirka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili shan Maalin Gudahood Al-Shabaab laga qabsaday ilaa afar Degno ay horey u heesteen , waxaana goobahaasi la wareegay Ciidamada Dowlada oo gacan weyn ka helayay Ciidamada Itoobiya.