Skip to content

Aqriso Magacyada Gudoomiyaal hor leh oo katirsan Gobolka Banaadir oo xilkii laga qaaday

Storyline:Archive, Science & Tech

Gudoomiyaha Goboolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Jen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa wali wada xil kaqaadista uu ku sameenayo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir .

Sida Wararka aan ku heleyno waxaa xilkii laga qaaday ilaa labo Gudoomiye Degmo oo Cusub kuwaa oo kala ah Gudoomiyaha Degmada Cabdi Casiis C/llaahi Xuseen Xasan (Fanax)iyo Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabdulaahi Sahal Gardhuub.

Gudoomiyaha Degmada Cabdi Csaiis waxaa loo Magacaabay Nin dhalinyaro ah oo lagu Magcaaabo Cismaan Muxudiin Cariif ,waxa uu kasoo baxay Jaamacada Muqdisho, waxa uuna mudooyinkii dambe katirsanaa Xafiiska Mashaariicda Gobolka Banaadir ee Dan Guud uu u qaabilsanaa Degmada Cabdi Casiis.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Cabdi Casiis Cismaan Muxudiin ayaa gacanta ku heysta Wareegtada lagu magacaabay, waxaana la filayaa in Maalmaha soo aadan uu xilkiisa si rasmi ah ugala wareego Gudoomiyihii hore.

Wali ma helin Magaca Masuulka isna lagu badalay Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyn , waxaana Wararka aan heleyno sheegayaan in Gudoomiye Gardhuub loo sheegay in waqtigiisa dhamaaday uuna wareejiyo Xilka uu hayo loona dhiibay warqada xilka qaadista.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in xilka iyagana laga qaado Gudoomiyaal dhoor ah ay kamid yihiin Gudoomiyaha Degmada Hodan , Gudoomiyaha Degmada Kaaraan , Gudoomiyaha Degmada Dayniile iyo Gudoomiyaal kale.

Hada waxaa si rasmi ah xilalka ula wareegay ilaa 4-Gudoomiye, kadib markii xilka laga qaaday Gudoomiyaashii hore ,wxaaana gudoomiyaasha Cusub ee la magaacaaby u badan yihiin Dhalinyaro aad u yar yar oo inta badan Jaamacado kazoo baxay fikir ahaana raacsan Ururka Talada Dalka Haya.