Skip to content

Askar ciidanka dowladda ka tirsan oo Muqdisho lugu togtay[Sawirro]

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa maanta maxkaadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ku fulisay xukuno ay horay ugu riday saddex askari oo ciidanka xoogga ka tirsan kuwaaso lugu fuliyey dil toogasho.

Saddexdan askari waxaa lugu toogtay fagaaraha Iskool Bolisiya ee magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in labo ka mid ah ay ka tirsanayeen ciidamada xoogga dalka,halka sidoo kale askariga kale uu ka tirsanan jiray ciidanka ilaalada deegaanka ee loo yaqaano Minashibiyo.

Maxkamadu waxaa ay sheegtay in askartan la lugu fuliyey xukunka dilka ah iney ahaayeen gacan ku dhiiglayaan geystay dilal kala duwan, waxeyna maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay dil toogasho ah kaddib markii lagu helay dembiga lagu soo eedeeyay.

…”””Waxaa lugu helay dhammaanba danbiyadi ahaa inay ka danbeeyey dilal dhacay,waxaana maxkamdu ku xukuntay dil toogosho saaka ayaana lugu fuliyey,…””‘ayuu yiri guddoomiyaha maxkamada Liibaan Cali Yaroow.

Saraakil ka tirsan ciidamada dowladda iyo mas’uuliyin kale ayaa goob-joog u ahaa qisaasta lugu fuliyay raggan ka tirsan nan jiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maxakamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa inta badan xukuno ku rida askarta ka tirsan ciidamada dowladda ee dhibaatoyinka iyo dilalka ka gestay gudaha magaalada caasumada ah ee Muqdisho.

640x480x187.jpg.pagespeed.ic.mODdZrcf5g

640x480x258.jpg.pagespeed.ic.ueFfCBssyi

640x480x350.jpg.pagespeed.ic.4GkJZiN3Zb