Skip to content

Axmed Madoobe oo si Rasmi ah Warqadaha Aqoonsiga uga gudoomay Qunsulka kenya usoo Magacawday Kismaayo

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowlada Kenya oo ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM ay ka joogaan gobolada Jubooyinka ayaa shalay ka furatay magaalada Kismaayo xafiis qunsuliyad cusub oo ay halkaas ku yeelaneyso.

Hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa shalay oo xafiiskiisa u qaabilay waraaqihii aqoonsigana ka gudoomay qunsulka cusub ee dowlada Kenya u soo magacowday gobolada Jubooyinka.

Qunsulka cusub ayaa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono hagaajinta xiriirka ka dhexeeya dowlada Kenya iyo maamulka Axmed Madoobe ee ka jira magaalada Kismaayo iyo degaano ka tirsan jubooyinka.

Dad badan ayaa isweydiinaya sida qunsulkan uu sharci ku yahay maadaama uusan soo marin dowlada dhexe ee dalka ka jirta, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili uusan wanaagsaneyn xiriirka dowladaha Kenya iyo Somalia.