Skip to content

Calan Cusub oo markii ugu horeesay laga taagay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay

Storyline:Archive, Science & Tech

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu arkayaa Calan cusub oo laga taagay meelaha qaar kaa oo la sheegay in uu astaan u yahay Maamul Goboleed loogu Magac daray Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhismihiisu kasocdo Baydhabo.

Mudooyinkii ugu Dambeeyay Magaalada Baydhabo waxaa ka socday shir la sheegay in maamul Goboleed loogu dhisayo Lix Gobol iyadoona dhawaan la ansixiyay dastuurka uu yeelanayo maamulkaasi hadii uu hirgalo.

Magaalada Baydhabo ayaana lagu arkayaa Calan Cusub oo suran kaa oo la sheegay in uu yahay calanka Astaanta u ah Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo hada dhismihiisu wali kasocdo Baydhabo.

Gudoomiye kuxigeenka Gudiga qaban qaabada shirka Baydhabo kasocda Madoobe Nuunow Maxamed ayaa sheegay in heer gabo gabo ah uu marayo shirka lagu dhisayo Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa uuna tilmaamay in hada la sameeyay calan astaan u ah Maamulka Cusub.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ah mid wali Khilaaf xoogan uu ka jiro dhismihiisa iyadoona la isku heesto in Maamulkaasi uu ka koobnaado ilaa lix gobol iyo in uu ka koobnaado ilaa Sadax Gobol farahana laga qaado Gobolada Jubooyinkaiyo Gedo.