Skip to content

Ciidamada AMISOM Askari katirsan oo banaanka soo dhigay arin ay aad ula yaabeen ugana xumaadeen Soomaali badan

Storyline:Archive, Science & Tech

Askari katirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kana soo jeeda Dalka Brundi ayaa banaanka soo dhigay sababta Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay iga guuleesan la’yihiin Dagaalyahanada Al-Shabaab oo wali kataliya Qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Wariye u shaqeeya wargeyska Star ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa Magaalada Bujimbura ee Caasimada Dalka Brundi waxa uu kula kulmay askari katirsan Ciidamada AMISOM oo dalkiisa dib ugu laabtay ,kaa oo hada banaanka soo dhigay sababaha ay wali usii socdaan colaadaha Soomaaliya ka jira loona soo afjari waayay Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Askarigan ayaa sheegay in Hadii ay yihiin Ciidamada AMISOM aysan wax dan ah ugu jirin nabada Soomaaliya, taa badalkeedana ay aad u daneenayaan in ay sii socoto colaada Soomaaliya si ay halkaasi usii joogaan lacago badana uga helaan.

Askarigan oo qariyay Macagiisa ayaa Wariyaha la kulmay u sheegay in Ciidamada AMISOM ee Burundi dib ugu soo laabtay ay jecelyihiin in mar kale Soomaaliya lagu celiyo si ay uga soo shaqeestaan lacago aad u badan oo mustaqbalkooda wax u tara.

‘’ Ciidamada AMISOM ma rabaan dana uguma jirto in ay soo afjaraan Al-Shabaab ,wax faa’iido ah kuma qabno in aan Shabaab ka adkaano , waayo hadii Shabaab lasoo afjaro colaada Soomaaliyana dhamaato waxaa meesha ka baxaya lacagihii aan heli jirnay , marnaba askari katirsan AMISOM ma doonayo in Shabaab lasoo afjaro jiritaankooda ayeyna dan noogu jirtaa ‘’ ayuu yiri Askarigan AMISOM katirsan.

Askarigan u dhashay Dalka Burundi ayaa xusay in Mushaar ahaan u qaato lacag ka badan Kun Dollar , waxa uuna intaa raaciyay in ay jiraan lacago kale oo siyaabo kala duwan uu u helo oo ka baxsan Mushaarka uu qaato.

Arimaha layaabka leh uu askarigan ka hadlay ayaa waxaa kamid ah in Lacagta Soomaaliya uu kasoo shaqeestay uu hada ku dhisanayo guri , waxa uuna intaa raaciyay in dhismaha gurigiisa uusan dhamaan uu wali socdo , waxa uuna ilaah uga baryay in Colaada Soomaaliya ka jirtaa sii socoto inta dhismaha Gurigiisa ka dhameesanayo lacagta ka dhimana uu Soomaaliya kaga soo shaqeesanayo.

‘’ Waxaan rabnaa in Hool galka AMISOM uu kasii socdo Soomaaliya , ma rabno in Al-Shabaab laga adkaado oo meesha ka baxaan, ilaah waxaan markasta ka baryaa in Colaada Soomaaliya sii socoto inta aan ka helaayo lacag badan oo disamaha gurigeega ku dhameesto kuna noolaado’’ ayuu yiri askarigan katirsan AMISOM.

Ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan daacad ka aheyn gacan siinta Dowlada Soomaaliya iyo in la cirib tiro AL-Shabaab , waxa ayna taa badalkeeda Ciidamada AMISOM ku qanacsanyihiin sii socoshada colaada Soomaaliya si ay dhaqaalo badan uga helaan.