Skip to content

Ciidamada Dowlada ee tababarka ka hela Midawga Yurub xagee ku dambeeyaan Marka Tababarka loo xiro?!!

Storyline:Archive, Science & Tech

Midawga Yurub (EU) oo ah mid kamid ah deeqbixiyayaasha Caalamka ayaa shacabka ku wareersan yahay ujeedka ay ka leeyihiin Soomaaliya, Dalalka ku bahoobay Midawga Yurub (EU) iyo dalalka xubnaha ka ah waxaa sanad walba sheegaan in Soomaaliya ugu deeqaan lacago boqolaal milyan Doolar ah, lacagahaasi inta badan dalka Soomaaliya ma gaaraan,

Haatan Midawga Yurub Soomaaliya wuxuu keenay Tababarayaal dhisa ciidamada Soomaaliya, Tababarayaashani markii hore waxaa ay ciidamada Soomaaliyeed ku tababari jireen Ugandha, Haatan Muqdisho ayaa loo soo wareejiyay, in badan shacabku wuxuu arkaa ama TV-yada Soomaalida ka daawadaa ciidamo Soomaaliya oo kumanaan iyo Boqolaalba ah oo tababar usoo xirayaan tababarayaasha Midawga Yurub, Ciidankaan tababarkiisa waxaa ku baxa lacago malaayiin Euro ah, ciidankaani la isma weydiiyo halka uu ku danbeeyo, tababar fiican iyo shiishka ayaa la baraa, maadaama aan dawladu mushaar joogto ah u heynin, kala danbeyntii ciidamada lagu yaqaaneyna jirin ciidamadaani inta badan waa kala tagaan, qaar madaxda dawladda ayey waardiye u noqdaan, qaar maliishiyo beeleedyo deegaanada shabaabka laga xoreeyo oo qaab beeleed u abaabulan ayay ku biiraan, qaar Shabaabka ayay ku biiraan, qaar wadooyinka bey isbaarooyin dhigtaan oo shacabka ku dhibaateeyaan, qaar iyaga oo qaab beeleed kala ah ayay ku dagaalamaan deegaanada dawladda hoos yimaado.

Midawga Yurub EU wuxuu bixiyaa kaliya lacagta tababarka ku baxaysa, sidoo kale midawga Yurub wuxuu bixiyaa lacagta AMISOM hawl galadeeda iyo Mushaarkeeda inta badan, Midawga Yurub lacag kuma bixiyaan mushaarka ciidamada Soomaaliya, sidoo kale isma weydiiyaan ciidankaani meesha uu ku danbeeyo.

Wakiilka Midawga Yurub Soomaaliya Mr Michele Cervone D’urso Dawladda Federaalka ulama Macaamilo inay matasho qaranka Soomaaliya, Maamulada Somaliland, Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya isku si buu u qaabilaa, Muqdisho markuu ka tago Garoowe buu tagaa la kulmaa madaxweynaha Puntland, sidoo Kale Somaliland, Dhaqaalaha Soomaaliya ugu talo galeen Midawga Yurub oo gaaraya boqolaalka Million Euro lagalama tashado Dawladda Federaalka, Puntland iyo Somaliland,waxaa kaliya oo uu sheegaa inta zone-kasta loogu talo galay, lacagahaas Hay’addo kala duwan oo EU-da iyo UN-ka ah baa la marsiiyaa, mashaariicda qaar muhiim uma ah Soomaaliya, qaarkoodna waa la musuq maasuqaa, wax aad u yar ayaa ka gaara Dalka Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay is weydiinayaan maxay tahay faaiidada ugu jirta dalka iyo dadka soomaaliyeed in ciidan tababar fiican la siiyo, si fiicana shiishka loo baro ee lagu soo dhex daayo shacabka, mar haddi aysan EU-da oo tababartay iyo Dawladda Soomaaliyaba masuuliyad iska saareynin sidii ciidankaasi ugu shaqeyn lahaa qaranka soomaaliya, xuquuqda uu leeyahayna u heli lahaa.

Ciidanka kaliya oo Soomaalidu aragtay inuu yahay ciidan rasmi ah waa ciidanka loogu yeero ALFA GROUP, waxaa tababaray dawladda Maraykanka, ciidankaasi tiradiisu waa yar tahay, waa ciidan gacanta ay ku hayaan saraakiishii soo tababartay, sidoo kalana la shaqeeya Dawladda Soomaaliya, mushaarka, caafimaadka iyo qalabka ciidankaba waa laga haqab tiray, ciidankaani waa ciidanka kaliya ee meel kasta oo uu madaxweynuhu tagayo uga sii hormara, waa ciidan soomaalidu aaminsan tahay, dadka kuma xadgudbaan, lama hadlaan, tababarkoodu waa joogto, wajiyada waa qarsadaan xiliyada hawlgalada, waa ciidankii shabaab ka saaray Maxkamada Gobolka Banaadir iyo Xerada UN-kaba xiligii ay qabsadeen.

Dalka Soomaaliya ma wuxuu u baahan yahay ciidan fara badan oo inta la tababaro shacabka lagu sii dhex daayo sida uu haatan sameeyo Midawga yurub EU mise ciidan yar oo gacanta lagu hayo, mushaarkiisu meel saran yahay oo amaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed ilaaliya sida ALFA GROUP?

Midawga Yurub ma sidaan baa daacad ka ah mise ujeedooyin dahsoon baa jira oo micnahoodu yahay “Qawda Maqashii waxna ha u qaban” ama waa “ Baadida ruux baa kula day daya daalna kaa badan, oo aan dooneyn inaad hesho daain ebidkaaye”