Skip to content

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo Maanta deegaan Muhiim ah kala wareegay Al-Shabaab

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay duulaan qorheesan waxa ay ku qaadeen kulana wareegeen Deegaanka Gendirshe oo katirsan Gobolka Sh/Hoose.

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Gendershe ayaa sheegaya in halkaasi aysan ka dhicin wax dagaal ah ayna ka baxeen Dagaalyahanada AL-Shabaab markii ay ka warheleen duulaanka culus ay kaga soo wajahnaa Ciidamada Huwanta.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa isku fidiyay farsiisimana ka sameestay Deegaanka Gendershe, waxa ayna halkaasi ka wadaan Ciidamada baaritaano ay ku baadi goobayaan xubno katirsan Al-Shabaab oo la rumeesaN yahay in deegaankaasi ay ku dhuumanayaan.

Abaanduulaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo kusugan Deegaanka Gendershe ayaa sheegay in Al-Shabaab kala wareegeen Deegaankaasi iyadoona wax dagaalo ah dhicin , Abaanduulaha ayaana ku hanjabay in ay sii wadi doonaan howlgalada Shabaab kaga saarayaan gobolka Sh/Hoose.

Xarakada Al-Shabaab ayaan wali wax war ah kasoo saarin Deegaanka Muhiimka ah ee maanta kala wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM .