Skip to content

Ciidamada Dowlada oo Rasaas ku kala eryay Dibad baxayaal careesan soona qabtay gaari ay leeyihiin AMISOM

Storyline:Archive, Science & Tech

Ciidamada Booliiska Dowlada Soomaaliya ayaa maanta rasaas ku kala eryay Dadweyne dibad bax ka dhigayay Qeybo kamid ah Laamiga Maka Al-Mukarama kuwaa oo ka careesnaa gaadiidka Ciidamada AMISOM oo dilay Nin Taksiile ah.

Dadka dibad baxa dhigayay oo aad uga careesnaa Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku socday Seed qaldan oo maanta kasoo horjeedka Daarta Tree-Biyaano ku dilay Nin Taksiile ah oo halkaasi aad looga yaqaanay laguna Magacaabi jiray Saalax Maxamed Nuur..

Ciidamada AMISOM ayaa goobta kasii tagay iyagoon dib u eegin Muwaadinka Soomaaliyeed ay gaariga jiirsiiyeen waana mida keentay in dad badan ay ka caroodaan falkaasi ayna diidaan in la qaado Meydka ilaa laga soo qabanayo Gaariga AMISOM ee Dilka Geestay.

Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa durba goobta soo gaaray kuwaa oo dadkii dibad baxa dhigayay Rasaas ku kala eryay waxa ayna goobta ka qaadeen Meyda Marxuunka AMISOM gaariga jiirsiiyeen .

Taliyaha Booliiska Saldhiga Degmada Hodan oo Warbaahinta u sheegay in ay eryadeen Ciidamada Booliiska Gaarigii AMISOM ee jiiray Muwaadinka Soomaaliga ayna gacanta kusoo dhigeen Gaarigii jiiray Marxuunka iyo Darawalkii waday.

Ciidamada AMISOM ayaan tiro dhoor jeer ah waxa ay Magaalada Muqdisho gaadiidkooda marsiiyeen dad badan oo rayid ah uu ku jiray Muwaadin isaga oo Salaad Jimcaha dukanayay gaari marsiiyeen.