Skip to content

Ciidamada Ruushka oo la wareegay Saldhigyo ciidan ay lahaayeen Ciidamada Ukraine

Storyline:Science & Tech, World

Ciidamada dalka Ruushka oo wata dabaabadaha dagaalka, ayaa xoog ku galay xarun milatari oo ay ciidamada cirka ee Ukraine ku leeyihiin meel u dhow magaalada Sevastopol ee gobolka Crimea.

Xarunta ayaa waxaa xilligaasi ku sugnaa ciidamo Ukraine ah oo diiday in ay isu dhiibaan Ruushka.

Ciidamada Ruushka ayaa gawaari jiirsiiyay albaabka hore ee saldhiga Belbek, waxaana kaddib la maqlay rasaas.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada Ukraine ee saldhiga joogay ayaa dhaawacmay.

Weriye ka tirsan BBC-da oo goobta joogay, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan saldhiga, ayna ciidamada Ukraine ee halkaasi ku sugan ay ku qasban yihiin in ay Ruushka ku biiraan ama ay saldhiga ka baxaan.

Goor sii horeysay oo shalay ahna, ciidamada Ruushka ayaa la wareegay gacan ku haynta xarun kale oo ay ciidamada cirka Ukraine ku leeyihiin magaalada Novofedorivka, oo waqooyiga kaga beegan Sevastopol.