Skip to content

Col.Barre Hiiraale oo diiday in Hubkiisa uu u dhiibo Ciidamada AMISOM uuna nabada qaato

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa mar kale fashil kusoo dhamaaday kulan maalintii shalay Deegaanka Goob weyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo ku dhax maray Waxgarad kasoo jeeda Beesha Mareexaan iyo Col.Barre Aadan Shire Hiiraale .

Waxgaradka beesha Mareexaan ayaa loogu tala galay in ay Co.Barre Hiraale kusoo qanciyaan inuu nabada qaato uuna katanaasulo dagaalka uu wali ka hurinayo Magaalada Kismaayo , waxaana la sheegay in Barre uu kasoo horjeestay arintaasi.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Waxgaradka la kulmay Barre Hiiraale u gudbiyeen in Ciidankiisa iyo hubka ay wataan ay ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM , isagana uu wada hadal la galo Maamulka Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Barre Hiiraale ayaa la sheegay in uu gabi ahaan diiday in uu ciidankiisa ku wareejiyo Ciidamada AMISOM uuna isku dhiibo Sheekh Axmed Madoobe , waxa uuna ku hanjabay in taasi badalkeeda uu diyaar u yahay inuu la dagaalo maamulka Axmed Madoobe.

Waxgaradkii la kulmay Barre Hiiraale ayaa u sheegay in uusan go’doon is galin uuna noqon nabad diid , waxa ayna ka codsadeen in uu ka tanaasulo waxii dhib ahaa ee dhacay hadana uu qaato nabada laga shaqeenayo .

Sida aan wararka ku helnay Waxgaradkii la kulmay Co.Barre Hiiraale ayaa Magaalada KIsmaayo dib ugu laabtay iyaga oo ka niyad jabsan diidmada ay kala kulmeen Col.Barre Hiiraale , lamana oga odayasaha iyo maamulka Kismaayo go’aanka ugu dambeeya ay ka qaadan doonaan Col.Barre Hiiraale iyo Ciidankiisa kusugan Duleedka Kismaayo.

R/Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh AXmed oo safar 8-cisho qaatay ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa sidoo kale ku guul dareestay in Col.Barre Hiiraale Kismaayo keeno uuna wada hadashiiyo Sheekh Axmed Madoobe , Hogaamiyaha Maamulka Jubba.