Skip to content

Col.Tawane Axmed Gureey iyo Sadax Sargaal oo laga sii daayay Xabsi ku yaala Magaalada Muqdisho

Storyline:Archive, Science & Tech

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xabsi kuyaala Magaalada Muqdisho laga sii daayay Col.Tawane Axmed Gureey iyo Sadax sargaal kale oo katirsanaa Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo in kabadan 20-cisho ku xirnaa Muqdisho.

Col.Tawane Axmed Gureey oo ahaa Taliyihii ugu sareeyay Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan iyo Sadaxda sargaal ee la sii daayay ayaa loo heestay dambi la xariira in ay qorsheeyeen kana dambeeyeen Dil Magaalada Baladweyn loogu geestay Col. Xaashi Xuseen Diiriye oo katirsanaa Saraakiisha Ciidanka Milatariga.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa xaqiijiyay in Saraakiishan katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya laga sii daayay xabsi kuyaala Magaalada Muqdisho kadib markii lagu waayay dambigii loo heestay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska ugu sareeya Ciidanka Xooga Soomaaliyeed oo ku aadan xariga iyo sii deynta Saraakiishan katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ka howlgalay Gobolka Hiiraan.

Col.Tawane Axmed Gureey ayaa looga yeeray Magaalada Muqdisho todobaadyo kahor iyadoona markii uu Magaalada soo gaaray la xiray kadib markii lagu eedeeyay masuuliyada dil loo geestay Col. Xaashi Xuseen Diiriye oo la qorsheenayay in loo Magacaabo Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Milatariga ee Gobolka Hiiraan.