Skip to content

Daawo Sawirada Dowladaha Somalia iyoTalyaaniga oo ka wada hadlay hirgelinta aqalka sare ee Soomaaliya iyo doorka Talyaanigu ku yeelan karto

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay booqasho rasmi ah ku joogaan dalka Talyaaniga ayaa kulammo kala duwan kulla qaatay magaalada Rome mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Talyaaniga.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxa ay booqdeen xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkan Talyaaniga halkaasi oo si maamuus leh loogu soo dhaweeyey waxaana uu kula kulmay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Mario Giro oo isagu u faah faahiyey qorshayaasha ay Dowladda Talyaaniga ku dooneyso iney ku taageerto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka Labaad waxa uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka la qaatay Gudoomiyaha Aqalka Odayaasha (Senato) Horn Piatro Grasso oo ay ka wada hadleen hirgelinta aqalka sare ee Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Talyaanigu ku yeelan karto aydoo kulankii ugu dambeeyeyna uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Haweeneyda lagu magacaabo Laura Boldrini waxaana kulankaasi uu socday mudo saacad ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka dalkan Talyaaniga Mss Laura Boldirini oo kulanka markii uu soo gebageboobay kadib la hadashay saxaafadda ayaa tilmaantay in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsaneyd iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah oo dhexmarta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Talyaaniga waxaana ay aad u ammaantay qaabka uu xiligan u shaqeeyo Golaha Shacabka Soomaaliya, sidoo kalena waxa ay xustay iney Muqdisho ku imaan doonto casuumad ay ka
heshay dhigeeda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo isna dhankiisa ka hadlay kulanka kadib ayaa xusay inuu dhowaan si rasmi ah u bilaaban doono iskaashi iyo wadashaqeyn dhexmarta labada Baarlamaan ayadoo wufuud ka kala socota labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo Talyaaniga ay socdaal ku kala tagi doonaan magaalooyinka Muqdisho iyo Rome.

Maalinnimada berrito ah haduu Alle idmo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iy wafdigiisa waxa ay socdaal ku tagi doonaan magaalada Napoli oo ah magaalo taariikhi ah halkaasina waxa uu kulasoo kulmi doonaa madax ka tirsan Dowladda Talyaaniga.

jawaari_2

jawaari_1

jawaari_3

jawaari_4

jawaari_5