Skip to content

Daawo Sawirada “ Kulan Xasaasi ah oo xalay ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Storyline:Archive, Science & Tech

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida, iyo kuwa ciidanka nabad illaalinta ee AMISOM, isaga oo ugu hambalyeeyey guulaha ay ka soo hooyeen howlgalada ka soconaya qeybo ka tirsan gobolada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha nabadiika looga sifeeyay degaanada kala ah Xudur, Waajid, Rab-dhuure, iyo Buur-dhuubo.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Guddiga Wadajirka ee Xiriirinta Howlgalada (Joint Operations Coordination Center) ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka, waxaana halkaasi looga dhegeystay warbixino ku aadan howlgalada ka soconaya gobolada Bakool iyo Gedo kuwaasoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ay kaga xoreynayaan kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed uu warbaahinta la hadlay, wuxuuna xusay inuu ugu hambalyeynayo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa garab siinaya ee AMISOM geesinimadii ay muujiyeen iyo sida ay caddowga uga fara maroojiyeen degaano ay ka mid yihiin Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in caddowgu sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodii ciidan, midii dhaqaale iyo mid Niyadadeed ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyey” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay in shacabka ku nool degaanada laga xoreeyey kooxahan nabadiidka inay soo dhoweeyaan ciidanka xooga iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM, lana shaqeeyaan.

“Sababta looga saarayo kooxahan nabadiidka degaanadan waxa weeye si looga dul qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta joogtada ah, dilka, barakicinta iyo handadaada ay ku hayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayuu yiri mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in Xukuumada Soomaaliyeed ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadan-nimo loo gaarsiin lahaa degaanadaasi la xoreeyey, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii Aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu baaq u jeediyay dhalinyarada u dagaalanta kooxahan nabadiidka ah ee Shabaab ee la khalday, wuxuuna ka codsaday inay ka waantoobaan falalka lidiga ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, bulshadoodana ku soo laabtaan, isaga oo u balan qaaday in dawladdu ay ku dadaali doonto inay helaan waxbarasho iyo farsamooyin ay ku dabaraan noloshooda

xas_4

xas_1

xas_2

xas_3