Skip to content

Dadka shacabka ah oo ka barakacaya dhulka ay dowladdu kala waregtay Al-shabaab[Faallo]

Storyline:Archive, Science & Tech

Muddo ka dib ciidamo isbahaysanaya oo isagu jira ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo ciidanka Itoobiya oo xilligaan ku howlgallaya magaca AMISOM,waxaa u suragashey inay la wareegan dhowr degmo oo ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo,balse waxaa jirta in degmooyinka ay ciidamadu la waregen inay isga cararayan iyago barakacaya dadka shacabka ah ee halka ku noola.

Ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda ee koonfur-galbeed Soomaaliya ayaan inta badan wax dagaal ah lagalin dagaal-yahannada Al-shabaab ee horay uga talin jiry deegaannada ay ciidanku gaaren,waxaana la sheegay in ilaa hadda ay ciidamadu la wareegen gacan ku heynta shan magaalo oo kala ah: Rabdhuure, Waajir, Xudur iyo Buurhduubo,waxaana ay kawada tirsan yihiin gobollada Bakool iyo Gedo.

Docda kale waxaa la sheegay in abaaro xooggan iyo xaalad bini’aadanimo inay ka jirto gobolka Gedo oo intiisa badan waqtigan gacanta dowladda ku jira,waxaana la sheegay in duullanka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM uu ku soo aaday xilli xun,maadaama gobollada ay ku jiran xilli kulul oo ay gabaasi yihiin baadka iyo biyaha.

Saraakil iyo guddoomiyal gobol oo warbaahinta la hadlay waxaa ay baaq u direen dadka deggan magaalooyinkaas inay la shaqeeyaan ciidanka sugaya ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka Geda,ayaa isna dhankiisa hay’addaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada iyo dowladda Soomaaliya,waxaa uu farray inay si dhaqso ah ku soogaaran deegaannada ay la waregen ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ka tirsan maadaama uu sheegay in deegaannada ay ka jirto xaalad liidata.

…””Xaalad bini’aadanimo oo daran ayaa ka jirta gobolka Gedo,hay’adda ka shaqeeya arrimahas iyo dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqaya inay si dhaqso ah usoo gaaran dadka dhibaataysan,…””ayuu yiri guddoomiyey Kaliil.

Sidoo kale guddoomiyaha oo ka hadlay dadka ka barakacaya dhulka ay ciidamada dowladda gaaren waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay ku amrayan inay isaga soo tagan deegaannada ay ciidanka dowladda jooga,cabsi aawadedna ay xilligan dadku u cararayan,walow uu sheegay in horay dadka ay uga cararayen deegaanno dhowr ah oo ay dagaallo uga baqayen inay kadhacan.

…”””Dadku cadow bay ku hoos noolayen,waxaa ay ku amren Al-shabaab dadka inay isaga tagan deegaannada ciidamada dowladda ay soo gaaren,intooda badana iyagoo dagaallo ka baqaya ayey isaga carareen dhulkooda,balse waxaan ugu baaqeena inay guryahooda ku soo labtan oo ay dowladda la shaqeeyan,…””‘ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Docda kale xarakadda Al-shabaab oo ka hadashey dullaanka ay ku soo qaaden dhulka ay maamulayen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya waxaa ay ku sheegen in “duullaanka Itoobiya” uusan ka duwanayn kii dhacay sandkii 2006-dii, xilligaas oo ciidammada Itoobiya ay xukunka ka tuureen maxkamadihii Islaamiga.