Skip to content

Dhalinyaro kamid aheed Soomaalidii laga keenay Shalay Dalka South Sudan oo Muqdisho lagu xiray

Storyline:Archive, Science & Tech

Howlgalo Ciidamada Amaanka Dowlada Soomaaliya Saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen Xaafado katirsan Degmada Yqashiid ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo qab qabtay dhalinyaro kamid aheed dad shalay laga keenay Dalka Suudaanta Koonfureed.

Qaar kamid ah Waalidiinta iyo Ehelada Dhalinyaradan Ciidamada Amaanka xireen oo maanta tubnaa halka loo yaqaan Godka Jilacow oo ah Xabsi Dowlada leedahay ayaa sheegay in dhalinyaradan ay Ciidamada soo xireen ay ku jiraan kuwa shalay un dalka soo gaaray.

Waalidiinta ayaa qaarkood waxa ay wadeen Baasabooradii ay shalay dalka ku yimaadeen Dhalinyarada la xiray waxa ayna Saraakiisha amaanka ka codsadeen in loo soo daayo dhalinyaradan aan dambiga laheyn ee Howlgalka lagu soo qabtay.

Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay falalka amaan daro ee halkaasi ka dhaca iyadoona maalmihii lasoo dhaafay Degmadaasi ka dhaceen Qaraxyo , Dagaalo iyo Dilal qorsheesan.