Skip to content

Dibu dhac ka jira xilligii la sugayey magacaabista xukuumadda raysal wasaare C/wali[Warbixin]

Baarlmaanka Soomaaliya ayaa 10-bisha Jannaayo oo shalay ku begneed faray raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed,inuu ku hor keeno xukuumaddisa,balse taas ma dhicin dib ayaana loo dhigay.

Guddoomiyaha baarlmaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), oo hadal ka horjeedinayey baarlmaanka,ayaa waxaa uu faray raysal wasaaraha inuu xukuumadda uu soo dhisayo ka soo hormariyo 10-Jannaayo oo Jimcihii shalay ahaa ku aaday,balse waxaa la xaqiijiyey inuu dibu dhac ku yimid soo magacaabisa xukuumadda.

Baarlmaanku waxaa ay iyagu u qabteen raysal wasaaraha inuu si deg deg ah kusoo dhiso Xukuumadda,inakasto hadda ay umuuqato xilligii inuu ka dhamaaday.

Sababta dibu dhaca

Markii la gaaray waqtigii ay sugayeen baarlmaanka in raysal wasaaraha xukuumaddisa uu horkeeno ayaa waxaa soo baxadey inaysan taas dhicin oo dib loo dhigay,dibu dhigista magacaabista xubnaha ka mid noqonaya wasiiradda cusub ee Soomaaliya ayaa sabab looga dhigay dhowr arrimod.

Arrimaha xilligaan dibudhaca ku keentay in raysal wasaaraha uu soo magacaabo wasiiraddisa,waxaa qeyb ka ah marxaladdi doorasho oo ay gashay Puntland,maadama wasiiradda xukuumadda ay qeyb ka yihiin kuwo ka imaanaya deegaannada Puntland,waxaa la sheegay in natiijada doorashada laga sugayey cida lagala tashan doonno wasiirada Puntland ka imaanaya,waxaana ruuxa arrimahas talada laga siinayo uu yahay madaxweynaha,waxaana hadda dowladda ay kala xaajon doonta arrimahaas madaxweyne C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo isagu ku soo baxay doorashadi dhacday.

Baarlmaanka oo ay hortaalo waqti kordhin

Baarlamaanka oo laga sugayo waqti kordhin
Baarlamaanka oo laga sugayo waqti kordhin
Xildhibaanada baarlmaanka oo sugayey in la hor-keeno wasiiradda cusub 10-bishaan,ayaa xilligaan waxay u muuqdaan inay kordhiyaan waqtiga ay sugi doonan inay kalsoonida u qaadan xukuumadda uu soo waddo raysal wasaare C/wali oo wali la sheegayo inay u socdaan la tashiyo.

Raysal wasaaraha xor uma aha magacaabista wasiiradda

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha baarlmaanka ee muddo ku soo dhexjiray xildhibaanadi kala gadisna ee ay Soomaaliya yeelatay,ayaa waxaa uu sheegay in doodbadan ay ka jirto dibudhaca magacaabista xukuumadda C/wali Sheekh.

Dalxa,waxaa uu hadal uu siinayey saxaafadda ku sheegay inay muuqato in raysal wasaaraha uusan u madax banaanen soo dhisida xukuumaddisa cusub,waxaana uu inta ku daray inay jiraan is-fahan waa ka taagan xubnaha xukuumadda ka soo dhex muuqanaya,waxaana arrinta isku diidan madaxda sare ee dowladda,waa madaxweyne Xassan iyo guddoomiye Jawaari.

Tirada wasiirada la sugayey oo la dhimay

Warar soo baxaya ,waxaa ay sheegayaan inay isku raaceen,madaxda,waa saddexda mas’uul ee jagada ugu sareysa dalka ka haya in gollaha wasiirada laga dhigo 20-wasiiro,taaso ka dhigaysa in awood qeybsiga beelaha Soomaaliyed ay noqon doonto inay helaan min afar Wasiir, waxaana taasi ay ka dhigaysa inaysan jireen qorshihii ay horey madaxdu u wadeen ee ahaa in xubnaha ka mid noqonaya wasiiradda laga dhigo 25.

Madaxda dowladda oo wax ka dhimay xukuumadda
Madaxda dowladda oo wax ka dhimay xukuumadda
Arrintaan lugu dhimayo tirada horey loo rabay inay noqdaan wasiiradda,ayaa waxaa la sheegaya inay keenayso,in markale dib loogu noqdo siyaasadi wax lugu waday,taaso ka dhigaysa in wax badan laga bedelo sidii awal qorshuhu ahaa, gaar ahaan wasaaradaha sida loo qeybsaday iyo xubnihii la hadal hayay ee boosaska wasiirada loo qoondeeyay.
Dib uga noqoshada qorshihii horrey loo waday ayaa waxaa la sheegaya inay timid kaddib markii cadaadis iyo culeysyo fara badan uu ka yimid xildhibaanada baarlamaanka iyo beelaha qaar,waxaana taasi ay sababtay in laga noqdo go’aankii hore ee ahaa in gollaha wasiirada laga dhigo 25-Wasiir.

Ma jirto ilaa hadda cid xaqiijisey dibu uga noqoshada go’aanki horey lugu doonayey in loogu soo dhiso wasiiradda,balse waxaa sura gal ah in xilli walba ay wax iska badalaan qorshaha lugu soo dhisayo wasiiradda cusub,in kasto raysal wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh uu horey u sheegay in xukuumaddisu ay ka ballaaran doonto tii isaga ka horeysey ee 10-wasiir ka koobned.

Ugu denbey:waxaa la saadaalinaya in xukuumadda raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh la soo magacaabi doonno toddobadkan bilowga ah.300x200x1118-300x200.jpg.pagespeed.ic.xRY5jgsD9n