Skip to content

Dowlada Ethiopia oo mar kale dooratay in ay ku dhacdo khaladkii Taariikhda galay ee gashay Sanadkii 2007-da.

Storyline:Archive, Science & Tech

Dowladda Ethiopia oo dhawaan ku biirtay howlgalka Amisom ee ka socda Soomaaliya ayaa bilowday in ay Ciidamo badan ku soo gurto gudaha dalka Soomaaliya Iyadoo iska ilowday wixii ka qabsaday Soomaaliya,Waxa ayna Maalmahanba siideyanayeen madaxdeeda hadalo ay ku dheehan tahay hanjabaadyo iyo booteyn u muuqatay in ay isku xayeysiinayaan.

Sida uu dhawaan sheegay Afayeenka Amisom ku dhawaad Shan Kun oo ciidamo Ethiopian ah ayaa ku biiray howl galka Amisom ee lagula dagaalamayo Ururka Al-shabab ee talo diidka ah lakiin marka aad fiiriso ciidamada Ethiopia ee soo galaya gobolada dalka waxa ay u muuqataa in ay Sedex Jibaar ka badan yihiin tiradii la sheegay.

Ciidamada Ethiopia ee ku biiray howlgalka Amisom ayaa aad loo xayeysiiyey Maalmahan ilaa heer la gaarsiiyey in ay yihiin kuwa kaliya ee ka adkaan kara Soomaalida,Waxaana sidaasi ku dooday Siyaasiyiin badan oo Soomaali ah oo uu ku jiro Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowladaha Caalamka ah Iyagoo iska indhotirayo guuldaraddii ka raacday Ethiopia duulaankii ay ku timid Soomaaliya 2007.

Dad badan oo Siyaasiyiin ah oo uu ka mid yahay Safiirkii hore ee Maraykanka u fadhiyey dalka Ethiopia ayaa ka horymid in ciidamada Ethiopia ay ka mid noqdaan howl galka Amisom, iyadoo laga hortagayo in u fashilmo howl galkaasi mar haddii ay ku biirto Ethiopia oo colaad gaamurtay ay kala dhaxeyso Shacabka Soomaaliyeed, Sidoo kalena ay abuuri karo in ay taageero badan helaan Ururka Al-shabab laakiin taladaasi waa la diiday.

Dadka fikirkaan qabo waxa ay ku doodayaan in ay jirto xasaasiyad badan oo laga qabo ciidamada Ethiopia maadaama ay iyaga iyo Soomaaliya ku dagaalameen dhul walina aan la xalin mishkiladdaas,Waxa ayna sidoo kale dadkani ku doodayaan in ay Ethiopia gabood falo badan ka geysatay Soomaaliya Xiligii ay dagaalada kula jirtay Maxkamadihii Islaamiga.

Dhinaca kale waxaa jira dad badan oo Soomaali ah kuwaas oo ku doodayo in ay dhamaatay colaaddii u dhaxeysey Ethiopia iyo Soomaaliya, sidoo kale ay Ethiopia daacad ka tahay nabad ka dhalata dalka Soomaaliya,waxa ayna kooxdani isku qanciyeen in ciidamada Ethiopia ay yihiin kuwa kaliya ee ka adkaan kara kooxda Al-shabab iyo guud ahaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida ah.

Kooxdan ayaa aaminsan in aysan Al-shabab haysan taageeradii ay haysteen Maxkamadihii Islaamiga,Sidaa daraadeed aysan jirin wax laga baqo iyo waliba kacdoon ka dhan ah ciidamada Ethiopia,Waxa ayna rajaynayaan in si fudud looga adkaan doono Al-shabab sidoo kalena laga saari doona dhamaan dhulalka ay gacanta ku hayaan,Iyadoo laga faa’iideysanayo ciidamada aan jabin ee Ethiopia, waa sida ay aaminsan yihiin.

Dhinacan Soomaalida ah ee u judbeysan ciidamada Ethiopia ayaanan lahayn wax qorshe ah iyo waliba ciidamo u diyaarsan oo la wareega amaanka deegaanada ballaaran ee laga saari doono Al-shabab, sidoo kalena qorshaha uguma jirto in ay arimuhu is badali karaan marka ay meesha ka baxdo Al-shababab,

Dhinacyadan Soomaalida ayaanan kala jeclayn qasaaraha ka dhalan kara dulaanada ay qeybta ka yihiin ciidamada Ethiopia ee aaminsan fikradda oroneysa ” isticmaal awood xad dhaaf si aad u gaarto guul deg deg ah”

Hadaba arimhu ma iska badali karaan sida wax loo qorsheeyey ?
Jawaabtu waa haa maxaa yeelay marka ugu horeyso ee ay ciidamada Ethiopia bilaabaan howl galkooda ayey arimuhu is badalayaan waa sida ay Aniga ila tahay,Waxa uuna is badalka ugu weyn dhacayaa marka ay meesha ka baxdo Xarakada Al-Shabab oo dadka Soomaaliyeed ay naceen gaar ahaan dadka Islaamiyiinta iyo kuwa Wadaniyiinta ah.

Sida aan soo aragnay xiligii Maxaakiimta, dagaalyahanada Islaamiyiinta ayaa shaatiga iska badalay kuna milmay Shacabkii ka dib markii lagu soo jibiyey furumihii dagaalka si ay dib isugu uruursadaan, ka dibna ay dib u bilaabaan dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waana Scenario-ga ay isticmaali doonto Xarakada Al-shabab iyo taageerayaasheeda.

Scenario-gan ayaa ah mid qatar badan, maxaa yeelay waxa uu fursad badan siinayaa dagaalyahanada Shabab-ka in ay nastaan kuna milmaan Shacabka sidoo kalena ay fuliyaan dilal gaadma ah iyo qaraxyo haddii ay u suurta gasho halka ay ciidamada Amisom ku adkaan doonto in ay sii joogaan dalka maadaama aysan jirin deegaano ay haystaan Shabab-ka.

Maadaama la nacay magac Shabab iyo hogaankooda waxa ay u badan tahay in ay meesha ka baxaan gebi ahaantood ka dibna ay soo baxaan Ururo kale oo Islaami ah kana duwan Al-shabab, sidaasna ay taageerayaashii Shabab-ka u wareegaan Ururadaasi waana Scenario-ga ii muuqda ee la filayo inuu badalo shabab-ka hadda jira,haddii ay taasi dhacdo waxa ay u badan tahay in ay soo baxaaan Ururo kale iyo Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo dalbada in dalka laga saaro ciidamada Ethiopia.

Sida lagu yaqaano madax adayga Ethiopia iyo kibirkeeda waxa ay u badan tahay in ay isku dhajiso sii joogidda dalka Soomaaliya Iyadoo waliba u dhaqmeysa in ay ka madax banaan tahay Amisom-ta kale inta laga gaarayo 2016 si ay u hibiso cidda madax ka noqoneyso Soomaaliya,waxa ayna ila tahay in ay sii joogi doonta dalka xitaa haddi laga adkaado kooxda Al-shabab.

Waxa Soomaalida iyo ciidamada Ethiopia iska horkeeni kara hadba sida ay u dhaqmaan ciidamada Ethiopia sida in ay dilaan dad Shacab ah ama ay farageliyaan arimaha gudaha dalka,Waxaa Iyadana dhibaato abuuri doonto sida ay ciidamada Ethiopia ugu dhawaadaan Muqdisho iyo meelaha u dhow dhow,haddii taasi dhacdo waxaan u malaynayaa in ay arimo badan is badali doonaan oo aan hadda loo fadhinin

Maxay sameyn doonaan Kooxaha Islaamiyiinta Soomaalida?

Sida aan soo sheegay Al-shabab iyo taageerayaashooda wey ka baxayaan saaxada waa sida ay ila tahay marka laga qabsado degaanada ay hadda maamulaan, waxa ayna isku dayi doonaan in ay ku dhuumaaleystaan magaalooyinka waaweyn iyo dhulka baadiyaha ah laakiin wey ku adkaan doontaa in ay howl galo sameeyaan maadaama aysan haysan taageeradii ay heli jireen Maxkamadihii Islaamiga markii laga saaray Magaalooyinka.

Scenario-ga laga filan karo Kooxaha Islaamiyiinya Soomaaliya ayaanan wax badan ka duwaneyn kii Maxaakiimtii islaamiga,Waxa ayna ila tahay in ay Shabab u kala go’i doonto ugu yaraan Labo Urur amaba ka badan maadaama hadaba uu khilaaf ka jira gudaheeda,waxaana laga yaabaa culeyska saran Xarakada in ay ka faa’iideystaan kuwa ka soo horjeeda Amiirka Al-shabab.

Qasaaraha ka dhasha duulaanada ay ciidamada Ethiopia ku qaadaan deegaanada uu maamulo Ururka Al-shabab ayaa waxa ay jahawareer badan ku ridi dootana Islaamiyiinta taageersan dowladda Federaalka gaar ahaan Ururada Al-ictisaam iyo Al-islaax oo ah Ururada sida weyn uga soo horjeedo Al-shabab iyo fikirkeeda qaldan ee tagfiiriga ah.

Kooxda Al-shabab oo sheegata koox Islaami ah ayaa ah kooxdii ugu xumeyd ee soo marta dalka Soomaaliya maxaa yeelay waxa ay laayeen Culimadii,Aqoonyahanadii iyo waxgaradkii indhaha u ahaa Umadda Soomaaliyeed,waxa ay diideen wax kasta oo loo soo jeediyey ilaa ay Maanta meel cidla ah soo istaageen,waxa ay sheegteen in ay ku jiraan dagaalo caalami ah oo aysan tabar u hayn. bal la arki doonaa meesha ay ku danbeeyaan.

Gaba gabadii waxa aan leeyahay ma ahayn fikrad fiican in ay ciidamada Ethiopia mar kale ku soo laabtaan Soomaaliya oo ay og tahay waxii ka qabsaday,Sidoo kalena ma fiicnayn in ciidamada Ethiopia ay ka mid noqdaan howl galka Amisom ee aan laga garaneyn waqtiga uu dhamaanayo.

Waxaana gunaanudkii leeyahay Ethiopiyoy waad ku deg deg tay in ay mar kale ku isticmaalaan Siyaasiyiin iyo Qabaa’ilo dano gaar ah leh, kuwaas oo aan marna ka naxay dhibaatada ciidamadaada ka soo gaareysa Soomaaliya. waa waxuushnimo in dariskaaga aad dab lagaha u geliso.