Skip to content

Dowlada Kenya oo bilaabeysa hab Cusub ay ku ogaaneyso dadka aan u dhalan dalkooda ee qaatay Warqadaha Dhalshada

Dowlada Kenya ayaa ka dhawaajisay qorshe cusub ay ku dooneyso in ay ku diiwaan galiso Muwaadiniinta u dhashay dalkaasi, si loo kala ogaado dadka u dhashay Dalkaasi iyo kuwa qaabab kale kale ku helay dhalashada Dalkaasi.

William Ruto Madaxweyne kuxigeenka Kenya ayaa ka dhawaajiyay qorshahan Cusub ee lagu kala ogaanayo dadka u dhashay Kenya iyo kuwa Dhalashada Dalkaasi qaabab kale ku qaatay, kadib kulan uu shalay uu la yeeshay Gudoomiyaasha Gobolada Dalka Kenya iyo guddiga madaxa banaan ee doorashada iyo xuduudaha Dalkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Dalka Kenya ayaa sheegay in qorshahan lagu diwaangalinayo Muwaadiniinta Kenya in ay fududeen doono in la kala ogaado qofka ah muwaadinka saxa ah iyo kuwa aan udhalan dalkaasi,waxa uuna ka dhawaajiyey in ay jiraan dad si sharci darro ku helay ama iibsaday dhalashada Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya Ole Lengku oo isna ka hadlay qorshahan lagu diiwaan galinayo dadka u dhashay Dalkaasi si loo kala ogaado muwaadiinta saxa ah iyo kuwa kale, ayaa sheegay in arintaasi ay sahli doonto xaqiijinta amaanka Dalkaasi.

Qorshahan Cusub ee lagu diiwaan galinayo Muwaadiniinta Dalka Kenya ayaa imaanaya Xili Ciidamada Dalkaasi Magaalada Nairobi iyo deegaano kale ay kawadaan howlgalo ay ku qab qabanayaan dadka aan sharciga heesan ee kunool Dalkaasi , waxaa ayna Ciidamada si gaar ah u beegsanayaan dadka Soomaalida ah.