Skip to content

Dowlada Somalia oo qarash badan ku bixisay Munaasabad siyaabo kala duwan loo fasirtay oo ka dhacday Dayniile

Storyline:Archive, Science & Tech

Waxaa Maalintii shalay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ka dhacday munaasaad aysan inta badan ka warqabin Dadka degan Degmadaasi taa oo lagu micneeyay in ay aheed Mid siyaasadeesan oo ay wateen dad gaar ah.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya ayaa kasoo qeyb galay Munaasabada ka dhacday Degmada Dayniile , waxaana kamid ahaa Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidammada Booliska, taliyaha hoggaanka Saadka ee ciidanka Booliska , taliyaha Hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka .

Munaasabada Shalay ka dhacday Xarunta Degmada Dayniile waxaa kasoo qeyb galay Boqolaal Dadweyne oo laga kala keenay Degmooyin ay kamid yihiin Wadhiigley , Xamar Jajab iyo Degmooyin kale si dadka loogu qaldo loogana dhigo shacabka ku dhaqan Degmada Dayniile.

Munaasanada ka dacday Degmada Dayniile ayaa halkudhig looga dhigay ”munaasabad lagu soo dhaweynayay xuska maalinta haweenka aduunka ee 8da Maarso” hasa ahataee kulankaas ayey siyaasiyiinta iyo waxgaradka Degmada Dayniile ku tilmaameen mid ka badalan arintaasi oo siyaasad ay ka dambeyso.

Beesha Degta Degmada Dayniile ayaa dhawaan Shirar kala duwan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ku shaaciyeen in Kalsoonidii kala laabteen Dowlada Federaalka Soomaaliya , Munaasabada Shalay ka dhacday Degmada Dayniile ayaana u muuqatay mid wax loogu dhimayay Go’aankii ay beeshaasi gaartay sawir qaldana loo bixinayay sida uu noo xaqiijyay Siyaasi kasoo jeeda Beeshaasi oo Magacaiisa ka gaabsaday.

Boqolaalka Dadweyne ee baabuurta looga soo qaaday Degmooyin katirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo dhiibay Sawirada Madaxweynaha Soomaaliya iyo hal kudhigyo kale oo lagu soo dhaweenayay Dowlada , waxaana dadka ka qeyb galay Munaasabada umada Soomaaliyeed ee TV-da ka daawaday lagu qaldayay in ay yihiin dadka Degan Dayniile.

”Adeer waxaan kuu sheegayaa Waxii shalay ka dhacay Degmada Dayniile waxba kalama socono hadii aan nahay dadka deegaanka noolama sheegin in Munaasbada la qabanayo , waxaan arkeynayay Boqolaal dadweyne oo baabuur looga keenay Degmooyin Muqdisho katirsan oo Calanka Madaxweynaha loo dhiibay si ay isaga dhigaan dadka ku dhaqan Degmadan ” ayuu yiri mid kamid ah Waxgaradka kunool Degmada Dayniile oo la hadlay Xafiiska Allbanaadir.com ee Magaalada Nairobi.

Munaasabada waxaa kasoo qeyb galay Maxamed Xasan Xaad oo kamid ahaa Waxgaradkii dhawaan shaaciyay Dowlada Kalsoonida kala noqdeen , waxaana dad badan ay aamineen in Xaad fikirkiisii hore wax iska badaleen maadama Dowladii uu maalmo kahor sheegay in uu kalsoonida kala noqday Shalay la fariistay una sacaba tumay.

Degmada Dayniile waligeed laguma qaban Munaasabad nuucaan oo kala ah, waxa ayna siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Degmadasai dagan ku tilmaameen munaasabadan mid shaarka loo badalay oo ah mid Dagaal Siyaasadeed ay wado Dowlada Federaalka Soomaaliya

Si kastaba hasa ahatee waxaa soo baxaya in Kulankii shalay ka dhacay Degmada Dayniile Dowlada Soomaaliya ku bixisay qarash aad u badan, taa oo lagu muujinayay in Deeganada Beeesha Murusade degto laga taageersan yahay Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.