Skip to content

DULEEDKA KISMAAYO OO DAGAAL KHASAARO GEYSTEY KA DHACEY

Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo warramaya inn deegaanka Goob weyn ee duleedka Magaalada Kismaayo iska hor’imaad uu ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Jubba iyo weliba kuwa Al Shabaab.

Goob Joogayaal ku sugan Magaalada Kismaayo oo la hadlay Idaacaddaha Muqdisho Qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubba ay weerar ku qaadeen Deegaanka Goob weyn ee duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi kudaray in Magaalada Kismaayo uu xalay ka hir galay Bandow iyadoo illaa iyo iminka aan la ogeyn khasaaraha uu geystay dagaalkii xalay ka dhacay Deegaanka Goob weyn ee Magaalada Kismaayo.

Kismaayo iyo daafaheeda ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo loo aaneeyo in ay ka dambeeyaan dagaalyahannada Ururka Al Shabaab.