Skip to content

en Dhaga Badan ” Amaan Xumada Magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb qaata Siyaasiyiinta iyo Qurbo joogta”

Storyline:Archive, Science & Tech

Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed Jen. Cabdi Kariin Yuusuf Dhaga Badan ayaa ayaa ku eedeeyay Siyaasiyiinta , Qurbo joogta iyo ganacsatada in ay qeyb ka yihiin falalka amaan daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Jen.Dhaga Badan ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in falalka amaan daro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ay qeyb ka yihiin Siyaasiyiinta Soomaaliyeed , Qurbo joogta iyo ganacsatada .

Waxa uuna ku eedeeyay Dhaga badan , Siyaasiyiinta , Qurbo joogta iyo Ganacsatada in ujeedkoodu yahay kaliya in dantooda gaaraan ayna helaan mansab iyo magac balse wax uu tilmaamay in wax walbo ay awoodaan ay sameenayaan si hamigooda u gaaraan.

”Amaan darada Dalka kajirta waxaan dusha uga tuurayaa , Siyaasiyiinta , Qurbo joogta iyo ganacsatada , Dhaqaalo ayey suub sadeen iyagoo laabtoobyo wata ayey dalka kusoo noqdeen ,waxa ay raadiyaan Wasiir , Ra’izul Wasaare , Xildhibaan iyo Agaasime , Maxaa u diiday in ay nabad ka qeyb qaataan ay dadaalkooda galiyaan soo celinta amaanka ” ayuu yiri Jen Dhaga Badan.

Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa kula taliyay dadkan uu eedeenta usoo jeediyay dadaalkooda iyo hantidooda ku bixiyaan dalka hormarkiisa iyo sidii ay gacan usiin lahaayeen Ciidanka difaaca ku jira.

Hadalka kasoo yeeray Jen. Dhaga Badan ayaa imaanaya xili amaanka Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid sii xumaanaya , iyadoona Magaalada ay ka dhacayeen Qaraxyo , Weeraro iyo Dilal qorsheesan.